TAARIIKHDA MANSA MUSA

 

Magaciisu waa Muuse (Musa), waxa uu ka soo jeedaa dalka Mali. ‘ Boqorka boqoradoodda’ ayaa looga jeedaa MANSA MUSA. Reer Mali waxa ay sidaa uga jeedeen, ma aysan jirin wakhtigii uu ka arriminaaye dhulkaas sida uu aha iyo marka la garab dhigo xaalku uu hadda dalkaasi ku sugan yahay, waxaa inoo muuqata inay yihiin wax aan isku dhawayn sinnaba.

 

Maalqabeennada  adduunka markii la soo qaado, waxaa la sheegaa dadyow aysan hantidoodu gaarayn middii uu Alle weyne siiyay nebi Sulaymaan CS iyo nebi Daa’uud CS. Alle ayaa Qur’aankiisa inoogu sheegay in mulkigii Sulaymaan CS uusan gadaashii noole dambe hantiyin, aysanna dhici doonnin. Waxaa la sheegaa ( waa Sulaymaan’e CS) inay u addeegi kireen Jinka iyo Shayaadiinta. Illaahay wuxuu lee yahay; “ haddaad shukridaan waa idin siyaadinaynaa, haddaadse kufridaan cadaabkaygu waa mid darnaaday”.

Musa 1/ Mansa Musa wuxuu dhashay qarnigii 12 aad, waa muslim, boqor ama Mussihii 10 ee boqortooyaddii Mali.  Waxa uu ka dhaxlay walaakii Abuubakar lagu sheegay magaciisa. Oo waxa uu dhashay 1280, isaga oo geeriyooday 1337.

Dalkani ( waa Mali’e) waxa uu caan ku ahaa soo saarida dahabka iyo milixda ( cusbada).  “ Mansa” waxaa loo baxshay kadib harumaraddii baaxda weynaa ee uu ka sameeyay dalkiisa intii uu xukunka hayay.

Caasimadda Mali reer galbeedku waxa ay u qayaaneen ‘ MAGAALADII DAHABKA’.  Xukuumaddiisu waxa ay gaartay illaa 4 dowladdood oo maantay dowladdo gaara ah waana MOROTAANIYA, NAYJER, SUUDAN IYO KIINYA. Waxa uu dhidiba u taagay jaammacaddo, iskuulo iyo maajido. Oo waxaa la sheega in berrigaa wax barasho iyo cilmi loo soo doonan jiray Mali.

 

 

Dhanka kale ilbaxnimaddii weynayd ee dhismaha waxa uu ka gaystya kaalin la mahdiyay, oo waxa uu dhisay masaajido si casriyaysan loo taagay. Shaqsiyadiisu waxa uu ahaa nin Alle ka cabsigiisu weyn yahay. Oo waxaa la sheegaa in uu maalin doonay in uu aaddo gurigii Illaahay ee Xaramka si uu u soo guto waajibaadka XAJKA.  Safarkanni wuxuu adduunka ku rebay xusuus gaara.

Oo safarradiisii kale waa ka gedisannaa. Maxaa yeelay waxaa la tebiyaa in uu sicirkii dahabku uu dhulka galay sabab la xiriirta safarka Musa. Waxa uu bixiyay xaddi dahab ah oo aan la qiyaasi Karin cadadkiisii illaa iyo manta, waana sababta keentay in uu qiimo beelo dahabkii.

Waxa uu socodkani qaatay in ku dhow 1 sanno, oo waxaa la sheegaa in uu kaxaystay gaadiid kor u dhaafaayay 10kun. Sidoo kale ku dhawaad 15 kun oo addoomo ah iyo ciidamo fara badan.  Intooduna wax kale ma aysan sidin ilaa dahab fara badan mooyee. Waxaa la tebiyaa in uusan magaalo marin, illaa dahab xadka dhaafay ayuu kaga tagay, oo qofkii kaga soo hor baxaa jidka intii uu safarka kujiray waa uu siiyay.

Mali waxa ay ahayd dowladda keliya cayr siisa reer Europe. Taariikhdu waxay xustaa marka uu boqor Musa dahabka sida aan la sheegi Karin u bixiyeen, in Europe abbaar la liidatay. Mussa wuxuu geeriyooday isaga oo kaga tegay dhaxal qurux badan, oo ay reer Mali iyo dhulalkii kale ee uu ka arrimin jiray ay ku xasuusan doonnaan. Waxa uu geeriyooday isaga oo jira 56-57 sano. $500 billion ayaa lagu sheegaa qiyas hantidii uu haystay. culimmadda qaara ayaa qabta in aan la qiyaasi karin hantidii Mussa, oo la malayn karo in xaddigaa uu ka badan yahay.

 

Boqortooyadii MALI, iyo wakhtigii dahabiga u ahaa reer Mali

Halka sawarkanni uu yahay xaalka dhabta ah ee ay reer Mali ku sugan yihiin kadib gumaysi uu Faransiisku sannado badan ku haystay, isaga oo guranayay wixii uu dhulkaas caanka ku ahaa, ayuu xaaladan galay.

sawirkan waa farshaxan ay reer galbeedku ku weyneynayeen MANSA MUSA.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *