WAXAAN LA GAAR AHAY

                             1

Waxa uu gacanta ku sitaa buug iyo qalin, waa hubkiisa badaanaa lama arag Siyaad oo aan wadan buuggan. Lama oga waxa ku raray buugga, balse dadku badankii waxa ay u gartaan in uu yahay nin jecel in waxa u  maalin waliba akhriyo uu ku qorto buugu. Maantay sidii u caada ahayd waxa uu yimid maktabadii. Adeer Cawil ayuu arki waaye.

Siyaad nin hadal badan ma ahan, balse maalinkan waxa uu ahaa mid aad u faraxsan, oo adeerkii ayuu rabay in uu la wadaago waxa uu la faraxsan yahay. Waxa uu bilaabay in uu ku dhawaaqo ‘ Adeer Cawil ku aaway’, isaga oo dhoolacadaynaya. In yar in yar ayuu talaabada xagii dambe ee maktabada u sii socdaalay.  Maanatay waxa uu arkay albaabkii uu adeerkii u diidi jiray in uu galo isaga oo furan.

Waxa ay ku noqotay arrin  aad kaga yaabisay!  “Nafta wixii loo diidaa ayayba doontaaye”, waxa uu jeclaystay in uu ka war doono caalamkan uusan wax war ah ka hayn.  Gudaha ayuu u galay, isaga oo naftiisana ku leh ‘ maantay waxaad haysataa marmarsiinyo oo haddii adeerkaa kaa soo hor baxo kolkaaba kaga naxso warkii farxada lahaa ee aad u waday’.

Waxa uu soo raacay jaranjaradii isaga oo yimid dhulka hoose ee qolkii. Laayaabkiisa’e waxa uu arkay buuggaag isku wada midab ah, waa midabka BULUUGA. Waxa ay ku kala duwan yihiin ciwaanka ku qoran. oo waxa ay ka miday san yihiin inta kale oo dhan.

Isha ayuu la raacay isaga oo markii dambe mid gacanta ku soo qabtay. Waxa aan filayaa in ay u gaysay faduul, maxaa yeelay ciwaankiisu waxa uu ahaa; ‘ WAXA AAN LA GAAR AHAY’.

Mar alla iyo markii uu buuggii sidaa u soo qabtay ayuu bilaabay in uu xaga dambe ka fiiriyo bal inay wax kaga qoran yihiin. Laakiin waxba kuma qornayn, waxa uu dareemay in ay yihiin buuggaagtani qaar si gaara loo ilaaliyay. Taasi waxa uu ka gartay qaabka ay u diyaarsan yihiin, iyo iyaga oo aan wax dayacaad ahi ka muuqan.  Waxa uu bilaabay in uu furo gudaha buugga, markiiba waxa uu isha ku dhuftay ciwaanka buugga oo u qoron sidii warqad lagu qoray gacanta oo kale.

Waxa ay kaga sawirnayd warqadaasi bilowga buugga. Ma uusan garan sababta, markiisii hore waxa uu u qaatay in warqadani tahay wax ku saabsan buugga. Haddii uu bilaabay in uu akhriyo, ayuu maqlay shanqar xagiisa u soo socoda. Waa adeer Cawil isaga oo leh ‘ goorma ayaad i soo dhaaftay wiilkaygiiyo’.  Siyaad waa uu naxay oo waxa uu dareemay xishood, waxa uu bilaabay in uu buugii si dhaqso leh u dhigo miis u dhowaa, isaga oo isku aadinaya, sidii in uusan adeer Cawil arag oo kale ayuu kaga hormaray hadalkii ‘ waan ku raadinayay, markii aad ii jawaabi waysay ayaan is iri ‘armuu qolkii hoose joogaa’? Markii aan arkay albaabka oo furan ayaaan…’

Adeer Cawil ayaa ku kala jaray hadalkii, ‘maantay oo kale ayaan sugaaye in aad ii timaado, wajigaaga waxaa ka muuqda farxad badan, ma imtixaankii dowladda ayaad gudubtay.’?

Siyaad inta aad u dhoolacadaeeyey ayuu ku qayliyay; ‘alla sidee ayaad ku qiaastay’!  Isaga oo Cawil xagiisa u ordaya laabtana gelinaya ayuu sii raaciyay  ‘aad ayaan u faraxsanahay adeer, intii aad ila rabtay iyo ka badan ayaan kaga gudbay imtixaankii’. Cawil markaas ayuu isha ku dhuftay buuggii uu Siyaad miiska dul dhigay.

Inta xagii miiska u soo dhaqaaqay ayuu ku yiri; ‘ maantay oo kale ayaan sugaaye. Qolkaanna laga bilaabo wakhtigan albaabkiisa adiga ayuu kuu furan yahay, waa haddii aad hal shardi ka soo baxdo’.

Muxuu yahay shardigu?  “Waxba ha degdegin wiilkaygiiyow, aniga markaan laga bilaabo muddo kooban ka dib halkan waan ka tegi doonnaa, waxa aan albaabkan kuugu diidanaa wax kale ma ahayn oo waxaan rabay marka hore in aad diyaar soo noqotid, caqligaagana waan arkaa maantay oo waxa uu joogaa halkii loo baahnaa.Shardigu waxa uu yahay in aad buuggan kebi ahaantii soo akhrisaa, tan ugu mudan ayaa ah in aad ka soo shaqaysaa xisaabta ku qoran bogga ugu horeeya. Iskana ilaali in aad cid kale la wadaagtaa, xitaa lama ogola in aad sheegtaa siraha buuggan ku qoron ilaa aniga ma ahane.Haddii aad soo xaliso mas’aladan aniga ayaad ila soo wadaagi doontaa. Adiga ayaaba doortay buuggii kugu habboonaa, waxa aan hubbaa in aad soo xalin doonto”.

Intaas  uu odaygii Cawil ahaa  hadlayo, Siyaad wuxuu ahaa mid dhagaysanaya, oo maqalka ayuu si fiican u soo xaadiriyay, inta madaxa ruxay ayuu qaatay buuggii. Si layaableh ayuu buuggii u eegay, kolna odaygii ayuu eegay.

“ markii aan   da’daada oo kale ahaa, waxa aan jeclaa in aan ogaado wax waliba oo ay tahay in aan ogaado, iyo wax waliba oo aysan ahayn in aan ogaadaa.”!

Kuma fahmin!? Siyaad. Dhib malahan wiilkaygiiyow, waan ka jwaabi doonaa su’aalahaaga, haddase ma ahan orod oo soo akhriso buuggan.

 

                              2

Siyaad waxa uu ka soo baxay maktabadii isaga oo maskaxdiisa ay ka guuxayaan kun su’aalood, waxa uu ku soo dhacay jidkii ay gawaarido maraysay, oo waxa uu ka soo raacay bus-kii shacabka, isaga oo u socda dhankii xaafadooda.

Waxa uu jeclaysanayaa in uu halkan ku akhriyo buugga, hadana waxa auu xasuusanayaa hadalkii uu ku lahaa adeerkii, markaas ayuu is qabtaa. Waxa uu eegaa dadka dhinacyadiisa fadhiya, oo waxa uu sawirtaa in ay ka war hayaan waxa uu nayadiisa ka dhahayo. Taasi waxa uu ugu maleeyay kadib markii uu la ybaay sida la yaabka leh ee ay u soo fiirinayaan.

Waxba kama jiraan, in dadku u fiirinayaan kadib markii ay akhriyeen niyadiisa waxa uu iska weydiinayo, ee waa inay la yaaban yihiin wiilkan wata dharkii iskuulka haddana xiligan socda, iskuulka uu dharkiisa xiran yahay kuma yaalo xaafdan.

Oo dadku waxa ay u maleeyaan ilmo soo lumay. Siyaad marka muuqiisa la arko ayuu u muuqdaa ilmo ka yar 15 sano, laakiin waa 18 sano jir. Si cabsi ay ku jirto ayuu u yiri;  ‘waxaan u imid inaan soo booqdo adeerkay Cawil, haddana xaafadaydii ayaan ku sii socdaa’.

Islaan ayaa gadaashiisa ka soo hadashay iyada oo leh  ‘ma Cawilka maktabad masuulka ka ah ayaa adeer kuu ah’. Siyaad madax ayuu ruxay ‘ haa waa adeerkay’ ayuu sii raaciyay. Markaas ayay ka sii wada  jeesteen dadkii sida layaabka leh u soo  eegayay.

Waxa uu soo gaaray gurigii, orod ayuu  ku soo galay isaga oo aan cidina salaamin ayuu abaaray dhankii qolkiisa. Hooydii iyo walaashii ka yarayd oo aadka u jeclayd walaalkayd marka uu xaafada yimdo, ayaa ka soo daba cararty. Siyaad waxaas oo dhan ma arko, jaranjarada ayuu dhowr talaabo ka soo dhigay, kadib qolkii ayuu galay oo hoosta ka soo xirtay.

Buuggii uu waday ayuu armaajada ku xaraystay, kolkaas ayuu albaabkii ka furay gabadhii yarayd oo ooyaysa, kolkaasuu  xambaaray oo dhunkaday, oo raaligeliyay.

Waxa uu u soo dagay dhankii hoose, hooyadii ayuu madaxa ka dhunkaday, oo waxa uu yiri;  ‘iga raali noqo hooyo waan xamaasadaysnaa oo farxad ayaan la duul duulayay, imtixaankii waxa aan kaga gudbay dhibco sare Ilaahay idamkii jaamacdda waxa aan ka geli doonnaa kuliyada aan doorto.’

Hooyo Cadar warkan aad bay ugu farxday, iyada oo wiilkeeda dhunkanaysa ayay ku tiri;  ‘waa inaan u sheegnaa abbahaa warkan farxada leh, maalinkii aan ku dhalay ee aan magacaan kuu baxshay ( SIYAAD), macne ayaan ka lahaa, aniga oo keligay ah oo aabbahaa shaqo bannanka ah ku maqan yahay ayaan ku dhalay, noloshayda ayaad siyaado ama dheeri ku noqtay, cidlo i haysay ayaad wehel iiga noqotay, waxa aan qiyaasay inaan kuu bixiyo magacan, waxa aan arkaa in uu ahaa mid kugu habboonaa oo wax waliba waad siyaadiisaa, Alle haku barakeeyo wiilkaygiiyow’.

Qoyskii maalinkaa farxad ayay ku wada qadeeyeen, oo kolkii uu cabbaar la joogay hooyadii iyo walaashii  ayuu Siyaad xasuustay buuggii uu waday. Hooyadii ayuu ka codsaday in uu katago si uu cashiro u akhristo oo uu isugu diyaariyo jaamacddiisa. Waa jaamacad kale ee aysan ogayn hooyo cadar. Way ka raali ahaatay hooyo cadar.

Siyaad si xamaasadi ku jirto ayuu qolkisii u soo aaday. Oo waxa uu bilaabay in uu kala furo markii sii labaad buuggii layaabka lahaa.

Waxa uu bilaabay in uu rog rogo baalasha buugga isaga oo aan ogayn waxa gaarka ah ee uu ka raadinayo buuga dhexdiisa. Markii uu waxba ka waayay ayuu ku soo laabtay buugga iyo boggii kowaad oo ay ku xardhanayd warqad lagu qoray gacanta oo la daabacay.

     WAXAAN LA GAAR AHAY

“ W.1-, waxaan la gaar ahay inaysan dadku i fahmin kolka aan hadlayo, taasi waxay igu keentay in aan qariyo shaqsiyadayda dhabta ah iyo cida aan ahay.

Waan ka fogahay  inta ay iga garanayaan dadka akhriya buuggaagtayda.

Xitaa waxa aan ka fogahay qoyskayga inta ay iga garanayaan.

Waxaan ahay qof gaara, oo gaar ahaanshiyiisa isaga doortay.

Waxaan ahay qof gaara, oo is ixtiraama marka ay naftiisa noqoto, ma istaago meel aysan ahayn  in aan istaagaa.

Waxaan ahay qof gaara, haddii aad doonayso in aad ogaato ilaa iyo inta aan gaar la ahay wax gaara xali xisaabtan!

4+3+2+3+6+3=

Siyaad waxa uu kahriyay mar, laba iyo wax ka badan. Waxa uu soo qaatay warqad iyo qalin oo waxa uu bilaabay in uu xisaabtii ka shaqeeyo.

Waxa uu ku daqabayay ama la wadaajinayay hadalladii uu ku lahaa adeer Cawil. Waxa uu bilaabay in uu tiro godadka ay ka kooban tahay xisaabtu waa 6 god. Wadarta guudna waxa ay noqonaysaa 20. Waxa uu raadiyay laba tiro oo la isku dhuftay jawaabtuna ay 20 noqonayso. Waxaa u soo baxday tiro jajab ah 3.3, waana tirada u dhow. Waxa uu u qoray qaab is garab yaal ah 432363.

Haddana waxa uu xasuustya in uu meesha ka saaray astaan isku darka ahayd (+). Sax lama aysan ahayn, waxa uu bilaabay in u caqligiisa si fiican u soo xaadiro, oo uu diirada saaro waxa ay u taagnaan karto xisaabtan.

Waxa uu ku noqday bilowga hadalka iyo qaabka ay ku bilaabatay t “ W.1-, waxa uu ka reebay  “  oo ah astaan hadalka in uu qof yiri ay ka dhigan tahay/ u taagan, haddii uu tiriyay W.1-, waxaa u soo baxday inay 4 god ka kooban tahay oo waa astaan xaraf iyo tiro. Haddana waxba kama uusan fahmin.

Mar kale ayuu hadalkii ku noqday waxaa u soo baxday in erayga “ gaar” la qoray tiro 7 goor.  Haddii uu fiiriyay xaraf (g) waxaa la qoray tiro 25 goor.

Waxa uu xisaabay astaamaynta qoraalka ku xusan, Iyana lama noqn. Mar kale Siyaad waxa uu ku fekeray inay noqon karto code, ama namber sired. Oo waxa uu bilbaaya in uu sawiro tiro waliba qaabka ay noqon karto eray ahaan, waxaa u soo baxday (Y+M+R+M+B+M) waxa uu raadiyay bal in uu fahmo, haddana waxba kama garan.

Fekradaha uu haystay waa ay is rogeen, oo waxa uu qiyaasay in su’aalo ay u taagnaan karaan. Oo  waxa uu la aaday dhanka iyo diiniga. 4: waa inta goor ee nebiga SCW magaciisa  lagu sheegay qur’aan ka ‘Muxammad’. 3: waxa uu ka dhigay qofka akhriya surah Ikhlas 3 goor in ay ka dhigan tahay 3 meelood meel in qofkaasi uu akhriyay qur’aanka. 2: waxa uu ka dhigay kelimada towxiidka. Sidoo kale waxa uu ka dhigay inay u taagnaan karto rukniga labaad ee arkaanu Islaam oo ah Salaada. 3: waxa uu ka dhigay saddexda magac ee Alle weyne kolka ay dadku dhaaranayaan. Sidoo kale waxa uu ka dhigay in ay u taagnaan karto 3 bilood ee xilliyada 4 ta ah.

6: waxa uu siiyay arkaanu Iimaan,  mar kale ayay tirade 3: soo noqtay oo waxa uu ka eegay dhanka salaadaha. Salaada Makhrib waa 3 rakaco, salaada Janaasada 3 koor ayaa lagu dhawaaqaa ALLAHU AKBAR, waxa uu ka eegay dhanka kale 2 qof ee muslimka oo isku caraysan haddii ay la dhaafto 3 maalmood  acmaashooda ee wanaagsan  la qaadi mayo. 3: furniinku waa 3 goor, haddii la is raacsho dalaaqda 3 da goor waa keraahiyo, haddana qoftaa dumarka ah ninkaas kuma laaban karto ilaa iyo in ay soo marto guur kale oo la yiraahdo MAXLAL.

Intaas markii uu marsiinayay ayuu joojiyay. Oo waxa uu iskula hadlay in uu mar kale buugga akhriyo bogoggiisa, waa intaas oo ay wax uga soo baxaan.  Waxa uu bilaabay in uu raad-raaco tiro waliba iyo sida ay u soo kala horeeyaan. Waxa uu aaday boga afaarad ee buugga.

Waxa uu u dhignaa sidan soo socota…

Waxaan ka imid iskuulka, hooyo aabbe iyo dhammman reerka waa ay joogeen. Waa la wada farxsanaa anigu ma aanan ogayan in maantay ay tahay dhalashadayda, waxa ay ii sameeyen qoyskayga maalinkii aan 4 sanno jirsaday xafladii la ii qabtay oo kale. Waan farxay weliba aad ayaan u farxay, ma ahan oo keliya farxadayda in la ii qabtay xaflad, ee waa in la ii keenay wax badan oo aan u baahnaa. Hooyadey waxaad moodaa in ay ku dhexnooshay maskaxdayda, madama aanan ahayn ilmaha sheegta waxa ay u baahn yihiin , maalinkaas waxa aan helay boorso iyo buug oo midabka buluuga ah.

Ilaa iyo weynaantaydii waan haystay boorsadii iyo buuggii maalinkaas oo aan 7 sano buuxshay la ii hadyeeyay. Xafladaha dadka jecel ma ihi, laakiin waxa aan jeclahay waxa ay hooyo iyo aabbe iiga dhigaan lama filaanka.

Ilmannimadeena waxa aan ka dhaxalnaa xusuuso aan duugoobin, waxa ay noqon karaan kuwo ina farxad geliya kolka aan soo xusuusano, ama kuwo ina murug geliya kolkay aynu soo xusuusano. Qaarkeen waxa ay la nool yihiin xusuuso qarow ku noqda oo u diida hurdada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *