NINKII BAABILA UGU HANTIDA BADNAA

Waa buug yare ka koban illaa 156 bog.  Waxaa qoray qoraa u dhashay dalka Mareykanka la yiraahdo Goerge Samuel,

isaga oo buuggan qoray 1926. Kana mid noqday markii u dambaysay buug loo turjumay 26 luuqadood. Dabcan saamayntiisa waxa aad ka garan kartaa inta luuqad ee loo badalay. Waxaa afnaqay walaa Soomaaliyee oo la yiraahdo Dr Jaamac Sahal

Si guud buuggu waxa uu ka hadlayaa ama ku siinayaa qaabab aad ka samaysan karto kayd dhaqaalaha ku soo gala. Lama eegayo badnaanshaha ama yaraanta waxa markaas ku soo gala, ee waxa uu ku siinaa siro aad ku heli karto ama ku abuuran karto kayd dhaqaale. Kadibna dhaqaalahaas waa in uusan meel iska oolin, oo waa in uu sii tarmaa. Haddaba waa qaabkee.

Sida ciwaanka buugguba uu xambaarsan yahay, waxaa jirta ama jirtay magaalo la oran jiray BAABIL. Maxay la gaar ahayd BAABIL?

BAABILA/BAABIL

.Waxay ahayd magaalo ku suntan qurux, kaydad dahab iyo jawharooyin ah.  Inta badan dadku marka ay maqlaan waxaa u sawirmi jirtay magaalo dhul qurxoon ku taalla, oo jeexooyin iyo webiyo ku dhextaalla, lehna buuro macaadin ay ka buuxdo. Dabdcan sidaas liddigeed ayay ahayd magaaladaasi.

Waxay ku ag taallay webiga FURAAT, dooxo dhul banana ah oo siman. Meel aan jeexooyin iyo buuro macaadineed lahayn ayay hayad, waxaa u dheeraa intaas inaysan lahayn dhagaxaan wax lagu dhiso.  Waxaanan ku oolin oo kale waddo socdaallada ganacsigu maraa. Roobkuna carriiri ayuu ku ahaa dhul beereedkooda.

Haddana BAABILA waxay ahayd tusaale kan ugu sarreeya halka dadku gaari karayaan marka ay adeegsadaan awooddooda.  Maadama ay haysataan webiga FURAAT waxa ay la yimaaddeen reer BAABILA farssamo cajiib ah, taas oo ahayd in ay u sameeyeen biyo-xiroono webigii Furaat, kadibna u soo leexiyeen dhulkii beershada ku habboonaa. Dooxooyinkaas banka ah ayaa la soo dhex mariyay biyahaas illaa beeraha la soo gaarsiiyay.

Wax yaalaha magaaladan jiritaankeedda sii adkeeyay waxaa ka mid ah, intii Baabila ay jirtay oo dhan waxaa u talinayay boqorro ay dhif tahay in lagu soo duulo. Iyaga laftooda ( waa boqorrada’e) inay raagaan ama sii nagaadaan waxaa keenay murti, isku-duubni iyo sinnaan ay aad ugu dedaali jireen.

Baabila labo ilo-dhaqaale oo keliya ayaa ay lahayd: dhul beereed iyo biyaha webiga Furaat.

HALKEE AYAY KU TAALAA BAABILA?

  • Magaaladan waxa ay ku taallay qaaradda Aasiya, meel lix kun oo kiiloomitir bariga kaga began marinka ( kanaalka) Suweys, waqooyiga gacanka Eeraan. Seenisyahanno badan aya rumaysan in Baabila iyo magaalooyinkii kale ee dooxada Furaat ay yihiin kuwa ugu faca weyn inta xogtooda la hayo.
  • Sooyaalka la qoray waxaa lagu sheegaa in magaalooyinkaasi jiteen illaa siddeed kun oo sano ka hor.
  • Waxaa kale oo la xusaa inay ahaayeen injineeradii ugu horeeyay, xidiggo-yaqaannadii, xisaabyahannadii, dhaqaale-yahannadii iyo weliba dadkii ugu horreeyay ee afkooda qoraal u sameeyay.

Inay ahaayeen dad farsamo yaqaanno ah waxaa caddeynaysa kannaalladii ay samaysteen weynidooda waxaa la sheegaa in qaarkood marka biyuhu ka dhammaadaan haddii fardo lagu dhex cayriyo ay ku daali jireen inta ay fogaan ka qabaan

Wax yaalahaa aadka loola yaabo ee Baabila lagu arkay waxa kamid ahaa deyrkii magaalada ku haeeraysnaa ee aadka u qarada weynaa. Dadkii hore deyrkaas iyo ahraamtii Masarba waxa ay ku dari jireen toddobadii layaab ee adduunka xilligaas ugu weynaa.

Inta haddii aynu halkaas uga immaadno, kaalay aan kula wadaago’e toddobo daawo ee jeeb-marnaanta.

7 QAAB OO JEEB-MARNAANTA DAAWO U AH

  1. BILOW IN AAD JEEBKA/ BOORSADA CAYILISID: Waxaa jirta in qoraagu qaab sheeko ah nagu fahamsiinayo u jeeddooyinkiisa. Waxa uu hadalkan daarran yahay, haddii ay jirto il dhaqaale oo kusoo gasha maaliinkii, ama asbuucii ama bishiiba, inta ay tahay dhaqaallahaasi aan ka soo qaadno waa 10.  Waxa uu ku lee yahay 10 oo ku dhan ha wada isticmaalin, ee 9 kamid ah isticmaal, halka kalena ha noqdo dhaqaale aadan ka soosaarin halka aad ku rido. Ma intaas ayaad uga haree maya, marka uu arruuro, ee uu noqdo tiro kuu suura-gelin karta inaad wax kale ku sii maal gashataa, hala fadhin ee maalgeli oo taransii lacagtaas.
  2. XAKAMEE KHARASHAADKAAGA: Tani waa arrinka badiba dadku ku guuldaraystaan. Maxaa yeelay? Waxaa jirta in waxa aynu shaqayno ee dhaqaale ah, ay ka badan yihiin rabitaankeenna. Marar badan waxa aynu kala saari Karin wax yaalaha laga maarmaanka ah iyo rabitaankeenna. Talladu waxa ay tahay xakamay kaharshaadkaaga.
  3. DAHABKAAGU HAKUU TARMO: wax waliba oo aan haysano misane dhaqaale ah waa dahab, halkan dahab oo keliya lagama hadlayo. Maadaama sheekadu magaaladdan ku saabsan tahay, waxa aynu soo sheegnay in ay ku suntaneed dahabka iyo jawaaharta, tusaaluhuna sidaas ayuu ku yimid. Hagaag! Kaydkaagii hakuu ilmo dhalo, oo tarmi, maalgelinna ku samayso. Intaas ha uga harin iydana sii balaari oo meelo badan dhaqaale ha kaa soo galo.
  4. AYAAN-DARRIDU WAXA AY DOORBIDDAA KAN AAN ISKA ILAALIN: kaydka qofku haysto waa in uu aad u ilaaliyo, haddii kale waa ay ka lumayaan. Haddaba waa in aan marka hore baranno sida loo ilaalshado inta yar ee aan haysanno, ka hor inta aan Eebe mid badan inoo dhiibin. Maaddama maagalada aynnu ka hadlaynaa ay ahayd mid waa hore ah, dadku waxa ay sidan jireen kiish lacagta lagu rito. Ma jirin waxa maantay aynu u naqaan bangiyddaan iyo meelo lacagaha la dhigto. Sida guudna iyada oo ay jirto meelo badan oo aad lacagtaada ku xafidan karto, haddan tani waa diginin.
  5. HOYGAAGA KA DHIGO MAALGASHI FAA’IIDO LEH: haddii qofku tobankiiba sagaal meelood dhaqaalaha soogalayaa uu u qorsheeyay in uu noloshiisa ku bixiyo, haddii qayb ka mid ah sagaalkaas uu awoodo in uu faa’iido ka dhalin karo welina inta kale ku filnaan karto, waxa hubbaal ah in hantidiisu dhakhso ku kobcayso.

Qof waliba ayaa raynrayn ka qaada cunitaanka timir iyo canab uu isagu beertay. Sidoo kale in uu hoygiisa uu isagu  lee yahay ayaa kalsooni galisa qofkasta. Sidaas darted waxa aan qof waliba kula talinayaa hoyga uu isagu dagan yahay in uu yeesho.

  •  DHAQAALE U KAYDI AAYAHAAGA DAMBE: waxa uu Arkad oo ahaa ninkii Baabila ugu hantida badnaa ku lee yahay, “beri wax u dhigo”. Inta aad xooga lee dahay oo aad caafimaad iyo caqliba hayso, naftaada kayd u samay. Si aan wax laguugu weydiin dadka kale. Iyo mida ugu dambaysa oo ah….
  • KORDHI AWOODDAADA WAXSOOSAARINEED: waxaa looga jeedaa xirfadaha iyo aqoonta aad u lee dahay waxa aad qabaynayso ee dhaqaale ka samaynayso horumarin ku samay, oo naftaada dhis.

Waxaan ku koobsanayaa intaan, waxaa jira talooyin badan oo buugga ku xusan. Arkad iyo sida uu ku noqday milyandheerkii reer Baabil, iyo sheekooyin kaleba buugga ayay ku jiraan, oo adiga ayaan kuu dhaafay inaad ka soo bogato idam Alle.

Gerge S. Caslon

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *