Dadku waxa uu soo maray marxallado kala gedisan oo xaga nolosha ah. Waxa aynu maantay noolnahay marxallad ka gedisan middii shalay. Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in aad ogsoon tahay shalay dadku sidii ay u noolaayeen, deedna aad ugu dabaqdo xaadirkaan nolosha jirta. Si aad u dheeli-tirto ama u miisaanto oo shaandheyso kadibna kala soo baxdo intii wacday ee noloshii hore, kuna kabto mida aad imminka nooshahy.
Waxaan is lee yahay aniga ahaanteyda bulshada maantay nooli gaar ahaan dhallinta qaar inaysan ogaal u lahayn wixii hore, kadibna ay dhashay waxa dhallinta badankood ku sugan yihiin oo ah lunsanaan, in la tuuray beri qofka Soomaaliga ahi wax uu ku suntanaa.
Haddana badankeen nama asturin ilbaxnnimo wixii aan u aragnay, oo waa taa dhallan-rogtay badiba dadkii
Si aad hadalkayga u fahamto waxa uu daarran yahay, kaalay aan isla akhrino’e laba ciwaan oo aan ka soo qaatay buugga HAWAALE WARRAN.
HAWAALE WARRAN
Abwaanku waxa uu tilmaamayaa sidii noloshii horre iyo dadkii inaga horeeye u soo noolaayeen, waxa uu na garab dhigayaa sidda xaadirkaan bulshadu u nooshahay. Mar haddii dadku tarantiisu ka bilaabanto wiil iyo gabar, oo ay soo barbaariyeen laba waalid oo iyaga laftooda la soo barbaariyey, waxa uu tusaale wacan kaa siinayaa, siddii loo barbaarin jiray wiilka iyo gabadhu mar ka ay adduunka ku soo biiraan. Ilaa iyo marka ay iska guursdaaan oo ay ilmo dhalaan haddii Alle siiyo, iyo marka xigta oo ay noqdaan dad bulshada u addeega laba dhinacba intaa kadina ka taga magac iyo camal maalin lagu xasuusto. Halkaas na ay uga gudbaan adduunka una gudbaan halkii xisaabtii weynayd lagusii suggayey oo iilka ah. Waxa uu buugu ifinayaa dhalashadoodda iyo dhimashaddood inta u dhaxaysaa waxa dhacaya, kuna dhacaya labadaa qof ee wiilka iyo gabadha ah. Ugu horreyn wiilka aynu isla aragno.
WIILKA
Foosha, wiilku marka uu madaxa keeno, hooyo hufan ku baxday oo aan turxaan lahayn ayaa sacabsan jirtay oo sacabbada u dhigi jirtay. Marka uu ifka yimaaddo ee uu uurka hooyadii ka soo baxo farxad iyo dareen aloosan ayaa lagu soo dhawayn jiray. Waxaa la hubin jiray in uu caafimaad qabo. Jirjirka ayaa loo jiifin jiray, si aanu bari weyn u yeelan. Kadibna waxaa lagu canqarin jiray caano lis ah oo haddii ay yaalaan caano geel ah
labada sanno ee ugu horreysay ayay hooyo u heesi jirtay oo abla’ablayn jirtay. Waa ay xambaari jirtay, markaas ayay kalgacayl iyo dareen shidan ugu heesi jirtay. Codka naxariista leh ayay ku seexin jirtay, waxay ay xusi jirtay ka ay jeceshahay in uu noqdo.
Oo uu qoray Abwaan HADRAAWI naxariitii Janno Rabbi ha siiyo’e.
Dhammow dhammow dhammow wa’
Dhashii Nebi Muxammadow wa
Dhallaankii Faadumow wa’
Dhabtaydu ku diidi mayso
Dhardhaar adag lagu ma saaro
Dal dheer lagu ma haybiyow wa’
Dermada loo sii hayow wa’
Sidii doog la hiigsayow wa’
Dad iyo duunyo ba dhergow wa’
Ducada loo ururriyow wa’
Adoo laba go’ iyo shaal
Adoo geel dhalay dhex jooga
Ayaan guri kaaga yeeray
Gabariyo wiil kuba duceeyay!
Sidaan waxay hooyada ilmaheeda waqti u la qaadan jirtay ilaaa inta uu saddex jirsanayo. Oo lama ogolayn in naxariista hooyda nuglayso. Lama ogolayn in uu haweenka ku dhex koro. Oo ayeeyo korisay iyo habarladaaq noqdo
Waxa uu sidaas kaga xiriir furan jiray hooyadii, mana ahan in uu ka tagayo ee waxaa loo diyaarinayaa nolosha waayaheeda iyo in uu ka jawaabo baahiyaha ku geddaaman.
Ilmahaa yar waxaa loo diyaarin jiray nolosha adag, waxaa la yeeli jiray inaan cano la siin iyada oo aysan jirin caano la’aan. Si uu gaajada iyo adkaysigeed u barto. Waxaa intaa u dheereed in harraadka iyo dhaxanta adkaysigeeda la bari jiray, waxa la bari jiray socodka iyo sabirka, guuraha iyo galabcarowga ayaa la bari jiray. Waxaa ka mid ahayd siyaabaha ilmahaa yari loo diyaarin jiray in” laba isku da’ ah loo dhiibo ulo, kadibna ay isku tumaan iyada oo aan mid na mid ka kale u turayn, intaa kadib haddii midi xanuun dareemo oo uu ooyo, habbeenkaas waxaa loo saari jiray banaanka. Haddii la legdo, oo mid isaga la eg uu dhulka dhigo, iyadana wax caano ah lama siin jirin.
Marka uu shan ilaa lix jir soo gaaro waxaa uu howl qaban jiray in uu hasha soo godlo,, oo maraqa furo, oo gaanta soo daayo marka la lisayo, nirgaha ayuu celcelin jiray. Hal badisa oo uu gaar u lahaa ayaa loo lisi jiray. Guntigaab ayuu la bixi jirya, oo waxa uu lahaan jiray qeyd uu maalintiina guntado, habbeenkiina huwado. Waxaa lagu rari jiray gudimaha, haruubbada iyo maqaarka ugaarta.
Waxa uu intaa kadib gali jiray xaalad kala guur ah. kurey maraqa diira, maalintiina geela irmaan u maraqroga, casarkii kaxeeya oo aan harraad, dhaxan iyo gaajaba damqin ayuu noqon jiray.
Shan iyo toban jirka ilaa labbaatan jirka, waxa uu ka mid noqon jiray ragga geela haya. Marka uu barbaar buuxda noqdo ayuu rugaha ardaaga meel ku yeelan jiray. Mudanka barbaarta ayuu ka mid noqon jiray. Waxa uu qaadan jiray kaalin waafaqsan da’diisa. Waxa uu ku biiri jiray ragga talada haya ee u heegan warabka, oodidda, lisidda iyo dhicinta.
Intaan oo shaqo ah waxa uu hayn jiray ilaa uu ka gaarayo da’da afartanka. Marka uu waqtigan kusoo dhowaado ayuu oran jiray;
“ Gu’ga gu’ga sidaan u lahaa,
Gu’ga xiga sidaan u lahaa,
Geela badi sidaan u lahaa,
Ayaa garku gommoda i habsaday.
Guurkiisu waxa uu ku xirnaa in xeradda uu joogaa geel , oo tiro boqol iyo dheeraad ahadaa. Markaas kadib ayuu gabar doonan jiray.
GABADHA
Gabadhu hawsha nolosha laga hayo waxa ay lahayd qiyaastii boqolkiiba toddobaatan iyo shan 75%. Xilal dhawr ah oo culculus ayay huwan jirtay.
Hooyadu waxa u xilsaarnayd barbaarinta ubadka iyo guud ahaan maamulka arrimaha qoyska. Hawlaha waxa ay gaar u lahayd inta ay hibada u lee dahay sida aqal iyo agab samaynta, raridda, furidda, dhisidda, lulidda, qalidda, quudinta iyo arrimo kale.
Waqti aan ka fogayn dhalashadii wiilka ayay dhalatay. Waxa dhaqan ahaa in gabadhu marka ay uurka hooyada soo dhaafto sacab san jirtay hooyo hunguri san oo gabadhu xagga hunguriga ka hiddoraacdo. Gogol duur iyo dureemo ka hoosayso ayaa dhinaca bidix loo jiifin jiray. Labada bowdo ayaa xarig la isugu xiri jiray. Si tarbiyaddeeda looga bilaabo in ay cawradeeda ilaaliso. Waxaa looga jeeday in ay dhiidhiibsiga iyo lugaha isku duwiddooda ku dhalato.
Waxaa xigtay in aan isla markaba afka wax loogu qaban jirin, si ay sabir iyo sugid u yeelato. Oo waxaa lagala cararayay hunguri iin iyo bar madow ah ku noqda qoyska ay ka dhalatay
Marka xuduntu u qalasho ayaa la canqarin jiray. magaceeda waxaa looga soo diiri jiray xilligii ay dhalatay iyo xaaladdii jirtay. Waxaa la bari jiray afka hooyo iyo erayada suuban, si aanay weynaanta carrab jalaqo u yeelan waxaa la oran jiray waxa aad tiraahdaa; “shimbir ba kudhubaa ka dhabaa tiri oo, subag sumal o kulul oo kadan oo kidi hootii yaal ayay la sii kudhubaa kadhabaa tiri oo, shimbir baas kululaa kadanaa; sidee bay subag sumal oo kulul oo kadan oo kidi hoostii yaal ula sii kudhubaa kadhabaa tiri.”
Intaas oo kedis iyo boobsii ah ayaa la oran jiray dheh. Waxaa jirta oo kale in la oran jiray waxaad tiraahdaa; “wax ba aniga hay dhudhun hore dhudhun dambe dhul ku gannafsane, orod oo qofkaad dhudhun hore dhudhun dambe u dhul ku gannafsanayso, u dhudhun hore dhudhun dambe u dhul gannafso.
Halahaas iyo halo kale ayaa carrabka loogu liilin jiray si aan carrabkeeda marka ay hadlayso dalab iyo turxaan u yeelan. Waxaa loogu hal qaban jiray erayo nolosha salka ku haya ama dhaqanka iyo dhaqaalaha ku qotoma.
Saddex jirka ayaa lagu hawgalin jiray, halkaas ayay hayaanka nolosha kala jaan qaadi jirtay. Waxaa lagu oran jiray “ orod oo xaabo/qoryo soo gur” iyada oo aan loo baahnayn wax qoryo/ xaabo ah. Waxay shidi jirtay dabka. Oo dhulka ayay xaaqi jirtay/xaari jirtay.
Afar jirka iyo shan jirka waxay loo diri jiray maqasha, waxaa la bari jiray maqasha iyo magaca mid walba hooyadii dhashay. Ilmaha yar ayay xambaari jirtay oo u heesi jirtay. Habeenkii idaha kolka la lisaayo ayay macasha qaban jirtay. Waxay kala baran jirtay midabbada iyo magacyada. Waxaa caado ahayd in aanay “ waxaan hoo” mooyaane “ waxaan i sii” barannin.
Lix jirka marka ay tahay ayay ariga raaci jirtay. Maalmaha hore waa lagu wehilin jiray, intaa kadib waxay u bislaan jirtay inay dhabarka u dhigato mas’uuliyada ari raacidda, oo kelideed ayay raaci jirtay.
Toddoba jirka waxa ay ahaan jirtay gabar foodley ah. Ariga ayay u heesi jirtay, waxaana waajib ahayd markaan inay taqaan tabaha cadowga looga ilaaliyo xoolaha. Oo waa inay u heestaa si ay u weheshadaan xooluhu kolka ay daaqayaan.
Toban ilaa laba iyo toban jirka waxa ay baran jirtay lisidda iyo lulidda. Ariga ayay lisi jirtay oo caanaha ayay luli jirtay.
Afar iyo toban jirka waxa ay ka qayb qaadan jirtay aroorka. Waxaa la bari jiray raridda, dhisidda, dhaanka, aroorka iyo guud ahaan ka-qaybgalka maamulka qoyska.
Shan iyo toban jirka timaha ayaa loo dabi jiray. Waxa ay dhaqi jirtay oo dhisi jirtay guriga ayka dhalatay. Iyda oo taas dhinac ka haysa ayay ku dhaqaaqi jirtay abaaulka guriga. Waxa ay samayn jirtay saableyda iyo sarabada, agabta iyo weelka. Awrka ayay rari jirtay oo furi jirtay, aqalka ayay dhisi jirtay. Iyada oo saddexqeyd Abu Sarmaan ah, boqor iyo dhacle, tusbax jeenniqaar ah iyo subeeciyad xiddaysan ku jookhan ayay aroorka ceelka tagi jirtay
Arrinka cajiibka leh waxa uu ahaa inta lagu jiro wax barista gabadha, waxa ay hooyadu samaynaysaa tijaabo ah in ay gabadhu marka ay hurudo u yeerto laba ilaa saddex goor. Markaaba haddii aysan hoo haadin oo u jawaabin nabar baa ku dhici jiray.
Mida arrinkaa hore ka sii yaabani waxa uu ahaa in marka gabdhu hurdo habeenkii ay hooyadu gabadha maradeeda ku tirto bar sida ( dhuxul )IWM. Haddii marka waagu dilaaco, inta aysan cadceedu soo caddaan aysan ka war helin gabdhaas waxa xalay maradeeda soo gaaray ee ah barta hooyadu xlaay ku tirty maradda. Iyana waxaa ku dhici jirtay nabar.