HAWAALE WARRAN


Buug ka warramaya waayo hore.
“Nin hadduu gaboobo waxbadan, guudka ka cirroobo, gadaal waa ka haasaawi jiray geeddiguu maray”. — Xaaji Maxmaed (Dallaayad)
Buuggan waxaa qoray abwaan MAXAMED IBRAAHIM WARSAME HADRAAWI AUN. oo waxa uu qalinka u qaatay intii u dhaxaysay 2009-2012. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 6 cutub, iyo ciwaan-hooseedyo.
Billowga buuggu waxa uu ifinayaa muhiimadda uu lee yahay qalinka. “ Qalinkaa wax suureeya kugu sima halkaad doonto”, waa erayo uu abwaanku ku sheegay maansadii SIRTA NOLOSHA.


GOGOLDHIG

waxa uu abwaanku ka qisoonayaa waxyar oo noloshiisa ka mid ah. Weliba inta quseysa buugga kolkii uu barbaarayay illaa intii uu hanaqaaday. Sida uu ugu baxay naanaysta HADRAAWI, iyo siddii uu ku bilaabay soo gudbinta halabuurkiisii sixirka ahaa.
Waxaa kale oo uu ka warramayaa hannaankii uu ula dhaqmay isaga iyo dadyowgii la midka ahaa ( abwaannadii la jaalka ahayd), iyo kacaankii MAXAMED SIYAAD. Waxa uu abwaanku xusayaa in uu xirnaa muddo dhan 5 sanno, kuna qaatay xariggiisa magaalada QANSAXDHEERE. Sababtuna uu ku sheegay abwaanku in lagu qabsaday riwaayaddo iyo heeso uu isagu curiyay.
Waxaa la xiray abwaanka 11-11-1973, waxa uu ka soo baxay xabsiga 06-04-1978, intii uu xirnaa waxaa jirtay in uu sii waday shaqadiisii ahayd u adeegidda bulshadiisa. Oo waxa uu curiyay gabayo iyo maansooyin.

CUTUBKA 1AAD

“QOfka camalkiisu waxa uu qurux badan yahay marka uu hibo waafaqsan u lee yahay”.
Kolkan abwaanku waxa uu ka hadlayaa in dadkeennu ahaa markiisii hore dad xoolo dhaqato ah, ama beero falato aha ama kalluumaysata. Waxa uu sawirayaa dadkii xoolodhaqatada ahaayeen nolol sideeya ayay ku noolaayeen? Taas asiga oo ka jawaabaya ayuu dhanka kalena inoo sheegayaa in maantay ay jirto aafo ku habsatay qofkii Soomaaliga ahaa, ee qiimaha uu lee yahay u yeeleen waxa uu adduun haysto. Waxa uu dhanka kale sheegayaa in aan baylah ka nahay beri waxaan haysanay, oo xoolo nool ah ay kamid ahaayeen. In deeggaankii la basansanbaasiyay, laga dhigay meel goray ka hadaafay, oo waxaa dhulka barkii ama intiisa ugu badan ba aasay oo la dagay qashinka iyo bacaha meel waliba warran. Waxaa xiga middaas oo loo caalwaayay abbaaro ba’an oo naf io maalba gallaafta inay ka dhacaan dalkeenna. Haddana naguma yara biyaha, waxaaba la arkaa webiyada oo butaacaya, kadibna halkaas ku lee faya dallagii la beertay.

CUTUBKA 3AAD

“si nololwadaaggu u fududaado, waa in wax isu-ahaani jito, dadkuna yeesho xeer iyo xarig wax ka dhaxaysiiya”.
GUURKA: abwaanku waxa uu inoo sheegayaa sida dadkii hore isu guursan jireen. Inta nuuc ee uu guurku ahaa iyo sababihii keenay, mid waliba waxa uu uga dhignaa bulshadaas. Inta uusan billaabin kadalka guurka, marka hore waxa uu sharxayaa kaalinta gabadha iyo wiilku ku lahaayeen nolosha.
Willka ayuu ku horeynayaa, dhalashadiisa illaa dhimashadiisa inta u dhaxaysa, waxa waajib ka saaran nolosha ayuu inooga warramayaa. Si taas la mid ah gabadhana nolosheeda ayuu inooga warramayaa.
Sidee la isku doonan jiray?
Maxaa keeni jiray kala taga?
U jeedka guurka laga lahaa muxuu ahaa?
Suaalahaa iyo dheerigood ayuu buuggu ka jawaabayaa.
Sida dumarku ceeb iyo cay u raaci jirtay, ayuu abwaanku qirayaa in ragguna ay lahaayeen ama jitay ma la diidi jiray in gabar la siisto ama ay ogolaato guurkiisa.

CUTUBKA 4AAD

“Hu’gu qofka waxba uma taro haddii uusan huwanayn hu’ga anshaxa iyo hufnaanta”.
Kol haddii uu abwaanku ka soo warramay inta aan kor ku ku soo xusay, markanna waxa uu gudagalayaa u jeedka uu daarran yahay hadalkiisu. Aaniga ka Aisha ahaan, waxaan is leeyahay sababaha abwaanka ku kalliftay in uu dhaxal dhigane ah dadkiisa u reebaa, waa midaan/ ciwaankan iyo kan u dambeeya.
Haddii jirka qayb kamid ahi boog yeesho, oo ay fashfashto boogtaasi, inta kore lama daweeyo ee hoos baa dawayntiisa laga bilaabaa
Waxaan uga jeeddaa: abwaanku waxa uu abbarayaa barta bulshadeennu ka bugto. Anshaxa oo lumay, waxaa keenay in Alle weyne ka cabsigiisii yaraaday, kadib markii qaad, khamri xashiish, tumasho iyo dadka intii taakta darnayd oo xaqoodii la duudsaday, oo laga dhigay mid la dhacay, mid la dilay iyo mid la kufsaday iyo iyo iyo….

Arrimahani waa ay ka dhacaan dunnidan, balse ummadaha kale ugu yaraan way ina dhaammaan, oo qofkii dhiba way iska soo qabtaan. Halka bulshadeennu qayrkeed ka reebay wax la yiraahdo ‘ QABYAALA’
Intan ayaan ku koobsaday cutubkan, wixii dheeri iyada oo uu abwaanku kugu tusayo qaab suugga iyo siyaabo kale, buugga ayaad ka dhugan idam Alle.

CUTUBKA 5AAD

“Ibliis halna ma aha, laakiin wixii aan hal ahayn ee marinhabaaba ayuu hannahaybsan ku carraabiyaa”.
Alle SWT inbadan waxa uu Qur’aankiisa kaga warramay Ibliis, waxa aynnu ogsoonnahay carrada Alle weyne u hayo Ibliis. Waxa uu ballan ku qaaday ( waa Ibliise) in uu fasahaadindoono ummadiisa. Inta Ibliis raacda ciriibdambeedkooda Alle waa uu inoo sheegay, halka kuwa ka beerana Alle inoo sheegay baalkoodda.
Waxaa ku jira buugga qaybtan laba sheeko oo uu abwaanku ku sifaynnayo sida Ibliis dadka u qaldi karo.

CUTUBKA 6AAD

“Dalka dad ayaa wax ka dhiga, dadkana dalka ayaa wax ka dhiga”.
Jumalddaan kooban ee uu abwaanku ku furay hadalkiisa, waxa uu koobayaa sida dalku dadka ugu baahanyahay, iyo sida dadku dalka ugu baahanyahay. Waxa uu sawir guud naga siinayaa, halka Soomaalidu xumaha maantay ay taqaan ( qaadka, khamriga, sigaarka, sinada iyo iyo iyo). Inay naga soo galeen dhankii gumaystaha. Waxa uu ifinayaa gumaystaha ka hor, dadku inuusan wax cuni jirin, oo cabi jirin (balwad wax la yiraa ma aysan lahayn).
Sidii ay ku barteen balwadda dadka intii ka akdhawayd gumaystaha, iyaga oo uarkayay qofka sigaarka caba inuu yahay ilbax.

Haddii uu luuqaoodda jajabsadana kaba sii daran, waxaad ka garan kartaa sida looga wacyi-gelinayay, oo waxaa sidaas isu soo taraayay riwaayadaha is xasuusinta ah, halka Soomaali ka timid iyo waxa ay dhaqan u taqaan.
Waxaa kale oo uu ka hadlayaa abwaanku, kadib dagaalkii 1977 iyo ka hor. Wixii la soo maray oo dhacdo ahayd.
Maxaa keenay burburkii dowladdii kacaanka?
Waxa kala hortaagan oo u diidan dib u dhiska dalkooda.?

Su’aalahan iyo kuwo kale ayuu ka jawaabayaa abwaanku. Waxa uu soo xiganayaa suugaan dhalashadii, dhicistii iyo intii kacaanku jiray la tiriyay.
Waxa uu ugu dambayn sugayaa abwaanku, waa….
In dadkiisu fahmayaan waxa uu cabbirayay ee waayo-aragnnimo ah. Dadkeenu wixii ay is gaarsiin lahaayeen, isgaarsiiyeen. Hadda iyo dan, xalku waa maxay? Ma sidan baa la ahaan mise xalbaynu gaari bulshooy?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *