CULIMADII HORE IYO WAX AKHRISKOODII.

 

SUFYAAN AL-SAWRI: waxaa la sheegaa in maalin uu u safray magaalada Basra caallimkii la oran jiray Sufyaan Al-sawri. Oo waxa uu cilmi u doontay caalimkii kale ee la oran jiray Xamaad Binu Salaam. Kolkii uu gaaray majliskii Xamaad ayuu salaantii ka horaysiisay baahidiisii/ ujeedkiisii isaga oo ku bilaabay” Xamaadaw xadiiskaa sidaa oranayay ii sheek muxuu ahaa”?

Markii uu helay jawaabtii ayuu bilaalay in uu salaamo, isaga oo gacanta u soo fidinaya. Kadib ayuu Xamaada su’aalay “ oo markii hore maxaadan ii salaamin Sufyaanow”? kolkaasuu Sufyaan ku jawaabay “ waxaan ka baqay intaynnu salaanta ku mashquul-sannahy in uu midkeen dhinto oo uu wadku ina kala geeyo anigoon ka jaahil bixin su’aashaan safarka dheer u soo galay.”

WAXAAN NECBAHAY INTA AAN WAX CUNAAYO.

Sheekh la oran jiray Khaliil binu Axmed waxa uu yiri;” noloshayda saacadda iigu darani waa goorta aan wax cunaayo, waayo waxaanan awoodi Karin in aan wax akhriyo, wax qoro ama wax dhigo/ la iidhgo iyo in aanan cibaadaysan Karin.

WAXAAN KA MURUGSANNAHY IN XALAY AY I DHAAFTAY ANIGA OO AAN WAXBA FAA’IIDAYSAN.

Sheekh Mufadil la oran jiray ayaa yiri;” waxa aan maalin maalmaha ka mid ah la kulmay caalim la dhihi jiray sheekh Maxamed binu Nadar oo aad iyo aad u murugaysan waxa aan su’aalay waxa ku dhacay se, waxa uu iigu jawaabay ‘ habeenkii xalay ahaa waxa uu iga tagay aniga oo aan wax cilmi ah faa’iidin”’

INTA AYNNU FADHIISANAYNNAYNO IN UU WEDKU INNOO KAADINAYO MIYAYNU KALA OGNAHAY?

Sida uu soo werinayo taariikhyahankii waynaa ee Khadiib al-Baqdaadi waxa uu yiri;” sheekh la oran jiray  abuu Jcfar binu Nufayl ayaa socoto ugu yimid Axmed binu Xambal iyo Yaxye binu Maciin, markii ay salameen ayuu Yaxye su’aalihiisii sarajoog ku waydiiyay sheekhii ay socotada ugu yimaadeen, kadib Axmed binu Xambal ayaa ku yiri’ horta ina fadhiisi, Yaxye wuxuu ku jawaabay “ inta aynnu fadhiisanaynno in uu wadku innoo kadinayo iyo in kale miyaynu kala ognahay”?

 

XITAA XABAASHA DUSHEEDA AYUU WAX KU BARANAYAY

Waxaa la sheegaa in Yaxye uu aas ka qayb galay, dabadeed waxa uu maqlay nin akhrinaya xadiis uusn hadda kahor maqal. Dabadeed ayuu ka codsaday ninkii in uu u yeeriyo xadiiskan, isgiina waa ajiibay oo sidaas ayuu Yaxye xadiiskii ku qortay.

Kolkii uu gaboobay Yaxye waxaa la su’aalay waa immisa inta xadiis ee aad qortay? Waxa uu yiri; ‘ hal milyan oo xadiis way gaarayaan” Axmed binu Xambal ayaa laga sheegaa in uu yiri;” xadiis aanu ibnu Maciin garanaynin xadiis maaha”.

Yaxye binu Maciin, axaadiistii rasuulka xifdiyay, ee uu ilaaliyay kuna camal falay, waxaad ogaataa inuu ilaahay ku abaal mariyay in maydkiisii lagu maryo rarabtii lagu maray maydkii rasuulka SCW . Taariikhyahannadii qisadaa soo wariyay waxay yiraahdeen; “ mar kasta oo uu Yaxye gudanayo waajibaadka xajka intaanu Maka iman ayuu ku horrayn jiray Madiina si uu u soo  bookhdo qabriga nabiga SCW.  Bari dambe ayuu Yaxye ibnu Maciin isagoo xajinaya wuxuu sidii caadada u ahayd ku soo horeyay magaalada Madiina markuu in yar joogay ayuu xanuunsaday isla Madiinana waa uu ku dhintay.

Markay reer Madiina maqleen geerida ku timid Yaxye waxay yiraahdeen; mar haddii Yaxye ninkii sidaan u ogayn axaadiista rasuulka u ilaalin jiray xaq wuxuu u yeeshay in maydkiisa lagu mayro sariirtii lagu mayray maydkii rasuulka SCW, sidaa awgeed waa lagu mayray, waxaana lagu aasay xabaalihii asxaabta rasuulka SCW lagu aasi jiray oo la yiraahdo ‘ Baqiic’.

JAAXID IYO KHAAQAAN

Jaaxid: waxa uu ahaa nin reee Ciraaq ah, magaciisuna waxa uu ahaa Xamru binu Baxri Jaaxidna waa naanays. Wuxuu dhashay 163H oo wuxuu dhintay 225H. wuxuu ahaa sheekh iyo gabyaa caan ah, waxaa kale oo uu aqoon durugsan u lahaa cilmiga sayniska. Oo waxa uu qoray kitaab la yiraah AL-XAYAWAAN, isaga oo kaga faalooday noolaha kownka, oo waa mid laga soo dheegto cilmiga kitaabkaa ku jira  waqtigan kolka noolaha laga hadlayo.

JAAXID: noloshiisii waxa uu ahaa mid aan xoolo haysan. Taasi kama aysan istaajin in uu wax barto/ isbaro. Waxa uu ku guulaystay in uu idan ka qaato mulkiile lahaa maktabad buuggaagta lagu iibiyo. Isaga oo ka dalbaday in uu habeenkii u waardiyeeyo. Halkaas waxa uu ka helay in habeenkii uu wax ku baran jiray maktabadaas dhexdeeeda, sidoo kale uu waardiye ka ahaa, mar haddii uusan haysan wax uu ku iibsado buugga uu markaas u baahan yahay.

KHAAQAAN: waxa uu ahaa nin siyaasi ka mid ahaa dowladdii Cusmaniyiinta, mar haddii uu ahaa qof xil haya, una adeegaya  bulshadiisa, isaguna kama aysan hor istaagin in uu wax akhriyo. Waxaa la sheegaa iin marka uu qof u soo galo uu joojin jiray akhriska, kadib marka uu qofkaasi ka tago ayuu bilaabi jiray akhriska. Waxaa la sheegaa xitaa in haddii uu suuriga u baahdo, inta uu u sii socdo ayuu horay u sii qaadan buuggiisa, si uu jidka ugu sii akhristo. Ma aysan dhici jirin in gacantiisa laga waayo kitaab.

WAXA UU HURDI JIRAY INTA U DHAXAYSA DUHURKA IYO CASIRKA.

Ibnu Lubaada waxa uu ahaa shaqsiyaadkii wakhtigooda ka faa’iidaystay, oo waxaa la sheegaa in uu ahaa mid aan ka kicin halkii uu salaadii Cishaa’I ku tukaday, ilaa salaada Subax laga gaaro. Mudda intaa le’eg waxa uu qaban jiray ayaa ahayd in uu arday ahaa oo wax baran jiray ( oo lagu sheegay 15 sanno) iyo mar uu cibaado ku soo jeeday oo 15 sanno kale lagu sheegay. Haddii uu habeen oo dhan soo jeedi jiray su’aashu waa tan goorma ayuu seexan jiray? Waxaa la sheegaa in uu hurdo oo dhan seexan jiray inta u dhaxaysa salaada Duhur iyo Casir, oo loo yaqaan Qayluulda.

NAFTA WIXII LAGU IMTIXAANO EE AY KU BALAWDO LOOGAMA TAAG HELO.

Caalimkii la oran jiray ibnu Makwi ayaa waxaa laga sheegaa in maalin uu soo booqday saaxiibkii. Waxay ahayd maalin iid ah, oo waxa uu u yimid sheekhii oo wax akhrisanay, kolkaasuu waydiiyay” maantay waa iid oo maad ka nasatid in aad wax akhriso ama wax baarto’? Makwi waxa uu ugu jawabay “ nafta wixii lagu imtixaano ee ay ku balawdo loogama tag helo, sidaa darted anigu waxaan ku imxitaannanahy barista cilmiga iyo akhriska kutubta.”

XITAA SOCODKA AYUU WAX KU AKHRIN JIRAY.

Khadiib al-Baqdaadi wuxuu u dhahsy dalka Ciraaq, waxa uuna dhashay taariikhdu markay ahayd 392H/917M waxaanu dhintay sannadkii 463M/1042M. Imaamu Dahabi wuxuu yiri;” Khadiib waxaa caado u ahaan jirtay in uu socodka wax ku akhriyo ujeeddadiisuna waxay ahayd inaany daqiiqad cimrigiisa ka mid ahadi cidlo kaga lumin.” Waqtigiisii markuu sidaa u daryeelay waxaa u suuro gashay inuu adduunyada kaga tago dhalxal ma guuran ah oo kutubtiisii illaa iyo manta waa laga faa’iidaystaa. Kutubta cajiibka ah ee uu ka tagay waxaa ka mid ah kitaab la yiraahdi ‘Taariikhul Baqdaad’ oo ka kooban 14 foolyam/ mujalad, waliba waxaa la yaableh in kitaabka intaa le’eg uu ka warramayo magaalo keliya taariikhdeedii waa maaglo madaxda dalka Ciraaq ee la yiraahdo Baqdaad

KOL AAD SOCODKA KU WARDIDAAN..

Culimaddii hore qaar ayaa kula talin jiray ardeydooda kolkay cashar ka baxaan inaysan koox joox isu raacin, oo wax ay ku dhihi jireen;” koox koox ha isu raacina, waxaa laga yaabaa inaad wakhtigiina sheeko ku dhamaysasataan, ee keli keli u socda marka aad casharka ka baxdaan, kola aad socodka ku wardidaan waxaa laga yaabaa in aad wakhtigiina kaga faa’iidaysataan’e”.

 

 

XITAA XANUUNKII KAMA HOR JOOGSAN IN UU JOOJIYO AKHRISKA.

Sheekh la oran jiray Maxamed binu Fadal oo ku magac dheeraa Al-Faraawi ayaa la sheegaa in uu ahaa nin illaahy waxbaray, oo caalim ah. Cilmigiisa in wax laga guntado daraadeed waxaa looga soo baqooli jiray dhulal dhaadheer. Sheekha inooga warramaya ayaa yiri maalin ayaan waxaan u doontay sheekhan (Faraawi) inaan wax ka soo barto. Aniga oo la joogay muddo sanad dhan. Itii aan la jooagy ayuuu xanuunsaday xanuun kaga dhacay indhaha, waxaa loo sheegay in uu joojiyo akhriska. Isna waa uu diiday, markii aan arkay in uu ku madax adaygay ayaan ku iri;” ii ogolow aan kuu akhriyo’e kitaabka aad rabto’. Kadib waa uu iga aqbalay, oo aniga ayaa u akhrin jiray.

DARDAARANKII IBNU BUKAYNA.

Sheekh l oran jiray Yaxye binu Qaasim, ayaa waxa u yiri;” waxaa bari baryaha ka mid ah nala dardaarmay sheekh macallin noo ahaa oo lagu magacaabi jiray ibnu Bukayna, wuxuu nagu yiri ‘ marka aad isbariidinaysaan salaama calaykum hadalka haka badinnina si aanay bariidadu wakhti badan idiinkaga qaadan oo aanu wakhtigu idiinka dayacmin”.

“SUULIGA INTA AAN KU JIRO KITAABKA SII AKHRI, OO CODKAAGA I MAQASHII.”

Caalimkii la oran jiray ibnu Rajab Al-Xambali ayaa kitaabkiisa la yiaahdo Daylu Dabaqaatil Xanbaliya ku qoray qiso cajiib ah oo ka hadlaysa ilaalinta wakhtiga wuxuuna yiri;” sheekhii la oran jiray ibnu Taymiya awowgii abu Barakaat oo isna sheekh caalim ahaa ayaa markuu suuliga galo wxuu suuliga hor joojin jiray wiil uu dhalay oo wuxuu ku dhihi jiray intaan suuliga ku jiro kitaabkaa sii akhri codkaagana kor u qaad si aan kuu maqlo’.

WAXAAN JECLAAN LAHAA IN UU ALLE CIMRIGA II LABAN LAABO.

Cali binu Muuse binu Maxamed oo ku magacdheeraa  Saciid Al-Andalusi ayuu ardaydiigiisii ka sheekeeyay sidii uu wakhtiga uga faa’iidaysan jiray, wuxuuna yiri; “ maalin maalmaha ka mid ah o iid ahayd ayaan bookhasho gurigiisii ugu tagay sheekha, isaga oo wax akhrinaaya ayaan arkay, waxaan ku iri; ‘ sheekh madam ay maantay iid tahay, maad nafta u raaxaysid oo nasiino ka qaadatid akhriska? Wuxuu ku jwaabay sheekhii ‘ waxaan u malaynayaa inaad tahay mid aan waligii libaani doonin, war ma waxaan tan ahayn ayaad raaxo u taqaan? Waxaan jeclaan lahaa in uu Alle cimriga ii laban laabo si aan uga faa’iidasyto.”’

INTA AAD MAQANTAHAY AYAANAN CIDLO SII FADHIN KARIN.

Ibnu Xajar Al-Casqalaani: qisooyinka yaabka badan marka wakhtiga laga hadlayo laga sheegaa haddaynnu mid ka mid ah ka soo qaadanno waxaa la yri;” maktabadday ay kutub u taallay ee uu wax ku akhrisan jiray ayuu furayaasheedii soo iloobay maalin maalmaha ka mid ah, markuu maktabaddii soo gaaray ee uu is arkay inaanu haynin firayaashii ayuu mid ardaydiisii ka midi ku yiri;” aniga ayaa kuu doonaya furayasha sheekh ee ii sug’ wuxuu sheekhii ku jawaabay ‘ inta aad maqan tahay ayaanan cidlo sii fadhiyi karayn oo anigoon waxba akhrinayn ayaanan ku sii sugi karayn ee iska jog qufulka ayaan jabinayaaye.”’ Kolkaasuu jabiyay qufulkii isaga oo diidan wakhtiga dhaafya isaga oo aan waxba faraha ku hayn.

SHAAXA AYUU JECLAA, HADDANA WAXA UU KU CABBI JIRAY QABOWGA SI UUSAN WAKHTI BADAN UGA QAADAN.

Cimriguusu waxa uu ahaa 70 sano markuu adduunka ka haajiray, waxa uu ku dhashy magaalada Dimishiq sanadkii 1268H/1338H. siduu wakhtiga uga faa’iidaysan jiray waxaa innooga warramay ardaygiisii la dhihi jiray Maxamed binu Saciid Albaani, waxaanu ku qoray kitaabkiisa la yiraahdo Al- Basaa’ir, wuxuu yiri;” sheekh Daahir Al-Jasaai’iri wuxuu aad u jeclaa shaaha, wuxuuna ku cabbi jiray qabawga, sababta uu qabawga ugu cabbi jiray waxay ahayd waxa uu ka taxaddaraayay in  shaaha cabbidiisu wakhti dheer ka qaato.

 

 

#HABEENKAMATAGINKUWIIHORE: waa buugga aan ka soo xigtay macluumadaan, fadlan haddii aad u baahan tahay dheeri, akhri buuggaas.

mahadsanid.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *