QOSOLKA:
Jirka dadka waxaa ku jira warshado soo saara dawooyinka ugu fiican. Waxaa jirta in badankeennu aynnu ku bixino laago fara badan si aynnu helnno deganaansho iyo xasilooni. Waxaana jirta in badankeennu aynnu dayacnay wax marwalima aynnu heesanay oo aynaan u isticmaalin sidii ay ahyd inaynnu u isticmaalnaa.
Waxaa jira in dad badan ay la dhiban yihiin xannuuno daba dheeraaday kuwaas oo nafsi ahaan iyo jir ahaanaba ay la dhiban yihiin. Waxaana jirtay hal jid/dow ay kaga bxi karayeen haddii ay ku baraarugsanaan lahaayeen. Waana daawo aan la heli Karin, oo uusan qof waliba haysan. Haddana waynnu la nool nahay, inaga oo haysana ayaynnu fahamsaneen awooda uu lee yahay waxaasi waana “QOSOLKA”
https://www.youtube.com/watch?v=U9cGdRNMdQQ
QOSOLKU:
waa hababka ay dadku ku wada xiriiri jireen. Waana falcelin uu sameeeyo qofka caafimaadka qaba marka uu degaanaansho dareemayo.
Sidoo kale waa astaan la muujiyo marxalado kala duwan sida, marka qofku ladan yahay, farxadda, baashaalka, waxwada qabsiga ka dhaxeeya dadka iyo naxariista.
Welwelka waxa uu u kala baxaa/ ka kooban yahay laba qayb.
Walwal tabban: Noocan waxa uu keenaa in la soo daayo dheecaanada kiciya welwelka, waxaana ka mid ah. Cortisol, Prolactin, Catecholamine iyo Bera-endorphin. Dheecaanadani dhammaantood waxa ay ka soo horjeedaa caafimaadka qofka. Gaar ahaan waxa ay saamayn xun ku lee yihiin wareega dhiigga, cadaadiska dhiigga, wadnaha, habdhiska difaaca jirka iyo yaraynta xammilaada dhibka iyo xannuunada.
Walwalka toga: Waxaa ka mid ah QOSOKA, waxa uu hoos u dhigaa dhamaan dheecaannadii aynu soo sheegnay in maskaxdu soo deyso. Haddii maalinkaaga aad qososho 13-15 daqiiqo, inuu yaran karo 2kg miisaankaaga ah. Sidoo waxa uu jimicsi u yahay muruqada wajigaaga 17 ka kooban, wadnaha, muruqyada caloosha iyi iyo iyo…
Dhanka kale deraasad kale ayaa sheegaysa in “xilliga uu qofku qoslayo ay yaraadaan rabitaanka cunto, sida ay u dhacdo marka uu qofku samaynayo jimicsiyada kaleba”. Meel kale deraasad ayaa waxa ay lee dahay “in qosolku uu yareeyo xadiga sonkor ee dhiiga la socota”.
Qosolku ma kaalmeeyo qalbiga oo keliya, ee waxa uu faa’iido ugu fadhiyaa wajiga iyo muruqyada guud ee jirka, gaar ahaan muruqyada caloosha ayuu adkeeya si aanay hoos ugu soo dhicin.
Carruurta iyo qosolka:
waxaa la sameeyay baarisyo la xiriirta faa’iidada uu u lee yahay qosolka carruurta. Waxaana la ogaaday in uu yareeyo dareemista xanuunka, in uu cariyo habdhiska difaaca ee jirka, in uu ka yareeyo carruurta walwalka, in uu yareeyo baahida loo qabo isticmaalka daawooyina dajiya iyo in uu kaalmeeyo ruuxda. Sidaas awgeed ayay reer Galbeedku waxa ay adeegsadeen ka qoslinta iyo la ciyaarista ubadka, iyaga oo keensada dad arrimahaas ku shaqaysta goobaha caafimaadka si ay acrruurta uga qosliyaan.
Adiga oo 100 jeer qosla waxa ay la dhigantaa adiga oo kaxeeyay 15 baaskiil faa’iidadii uu heli lahaa jirkaagu. Arrinkani waxa ay soo shaacbaxday ka dib markii dhaqaatiirka kala ah Dr. Berk iyo Dr Stand ay qosolka ugu yeereen “JIMICSIGA QOSOLKA/ LAUGHEXERCISE”.
MA WAXA AYNNU QOSOLNAA GUUSHA KADIB/ AMA KAHOR?
Ma guusha ayaa inaga qoslisa oo inaga farxisa? Ama marka aynnu qosolno ee aynnu faraxno ayaynu guulaysanaa? Cilmiga sayniska ahi waxa uu xaqiijinayaa labaduba in aynnu samayno. Waxa aynnu faraxaa oo aynnu qosolnaa marka aynnu guulaysanno. Sidoo kale waynnu dhoollacadayna oo aynnu faraxnaa si aynnu u guulaysanno. Badanka se, waxa aynnu samaynaa ta hore oo ah in aynnu faraxno oo aynnu qosolka marka aynnu guulaysanno kadib.
Mar waliba oo aynnu dhoollacadaynu/ qosolno maskaxdeenu waxa ay muujisaa dhaqdhaqaaq faxad iyo raynrayn ah, kolkaasay inagu kaalmaysa in aynnu faraxno oo aynnu qosolno. Maskaxdu ma kala taqaano dhoollacadaynta runta iyo mida kale oo iska keenka ah.
WAXAA JIRA QOSOL/ KAFTAN AANAN FAA’IIDO LAHAYN:
Inta annu ka soo hadalnay waa inta caafimaadka qabta ee aynnu u bahannahay had iyo jeer. Waxaa jira nuuc kaftanka ka mid ah oo aanan sinnaba ku anfacayn kaas oo ah qosolka jeesjeeska ah, kaftanka caydu wehliso, qosolka bahdilka ah iyo dhammaan wax dhibaya qof ama bulsho.
Nabigu SCW waxa uu yiri; “dhoollacadaynta aad qof walaalka ah u dhoollacaddaysaa waa sadaqo”.
Si aad u dareento deganaanshiyo iyo naxariis kolka hore ka dhex baar dabeecadahaaga ma ka mid yihiin dhoollacadaynta/ qosolka.
Saxaabadii nabiga SCW waxaa ka mid ahaa saxaabi aad u qosol badnaa oo la oran jiray Nucaymaan Ibnu Cumar AlAnsaari. Saxaabigani tiro malahaynta inta jeer ee uu nabiga SCW iyo asxaabtiisii ka qosliyay. Nabiguna SCW waxa uu yiri; “Nucaymaan waxa uu jannada gelayaa isaga oo qoslaya”.
Cumar Ibnu Khaddaab Rc mar uu saxaabadii rasuulka SCW sifaynayay waxa uu yiri; “ummaddani waxa ay ahayd kuwo qosla, iyada oo iimaanka qalbigoodu uu ka adag yahay buuraha”.
“Adiga oo ooyaya ayay hooyaadaa ku dhashay aadamow, dadkuna ay kaa hareero qoslayaan… Ee ku dedaal marka ay ooyayaan maalinka geeridaada in aad farxad la qososho”.
🥰🥰🥰🥰🥰🥰
mahdsanid