DHAGARTII WEYNEYD

Waa buug yare uu qoray qoraa Masri ah oo la yiraahd Dr Mutafa Maxmuud 1993, buugga oo ka kooban 181 bog, waxaa afnaqay Aadan Sahan.  Waxa uu ka hadlayaa dhacdooyinkii siyaasadeed ee ka dhacay dunida gaar ahaan caalamka Islaamka. Waqtigan dalkeenna hooyo waxa uu ku jiray xaalad dagaalo sokeeye, iyada oo ay jirtay in dhulalka kale ee Islaamkana ay ka dhacayaan taariikh raad reebtay.

Waxaas oo dhanna ay salka ku hayaan dowladdo shisheeye, iyaga oo hadba garab istaag u muujinayay cida ay u arkaan inay danahooda ku fushan karaan. Halka inta aan xog-ogaalka ahayn oo ay ka mid yihiin shacabyooogga reer Galbeedna loogu sheekeenayay inay u hiiliniyaan dadka rayidka ah. Oo cida markaas lagu duulayna ay ahayd bar madow oo dunida idilkeed khatar weyn ku ah. Tusaale waxaa inoogu filan wixii Soomaaliya ka dhacayay, burburkii ka hor, iyo kadibba. Waxa ka socday Ciraaq, Suudaan, Kashmiir, Sirilaanka, Bosniya, iyo qaar kale .

Dhammaan waxaan ka dhacaya dalalkan ma ahan uun raadinta xal. Ee waa raadinta dhib waara oo aanan laga bixin. Runtu waxa ay tahay in “ kala firdhadka dadyowga ay arrini midayso ay dan ugu jirto Israa’iil iyo reer Galbeedka soo raaca.” Mar haddii arrinku sidaa yahay waxaa marag ma doonto ah in wixii dhiba ee dunidan saddexaad ka dhacay ay ka dambaysay MOSSAD iyo CIA.

Waa iyaga dadkii garab istaag indho la aanta ah u muujinaaye danaha kelitalisyadii dunnida saddexaad hoggaaminayay. Waa isla iyagii dhabarka ka jebiyay dadkii ay shalay la safnaayeen. Oo haddana  dunnida kale  u muujinaya dad nabad iyo neecaw qabow sida. Waxaan  burbur iyo dagaalo riiq dheeraday aan ka ahayn lagama faa’iidin imaantinka Galbeedka iyo Israa’iil.

Muxuu buuggu inoo sheegayaa oo kale?

Siday ku samaysantay calmaainyada.?

Maxay kala jeeddeen ama uu ahaa damaca reer Galbeed inay sameeyaan Calmaaniyada?

Sida Yuhuud u burburidoonto

Yaa kamid ah dadkii mar tallada hayay iyaga oo hogaanka ay hayaanna ku abtirsada Islaam se, iyagu ay ahaayeen Yuhuudii Yurub ka soo firdhatay.?

Maxay yihiin asalraaca Islaamka?

Intaan iyo dheeraad waxaad kaga bogan kartaa buugga.

 

Uurjiifka Eyda

Serbiya waxay ku duushay Bosniya. Kol haddii uu Bosniyaanku ay yihiin shacab Muslim ah, Serbiyaan-kuna yihiin shacab Kirishtan ah waxaan garan karnaa cida abaalmarrin mudan karta kadib marka  ay shacab farro maran, oo aan gurmad haysan ay gumaado, weliba sida ugu foosha xun u gumaado. Waxa Bosniya ku dhacay 1993, waxaad moodaa in ay hadda ku dhacayaaan shacabka reer Falastiin gaar ahaan Qasa. Dr Mustafa, erayada uu aadeegsaday markii uu ka warramayay cadaawadda guun ka ah ee Maraykan, Israa’iil iyo dhammaan reer Galbeed ay u hayaan Muslimka adduunka saran, waxaad u malayndoontaa in uu hadda qoray dhiganahan aan ka hadlaynno.

Haweenka Bosnyia waxay mareen imtixaan, heer la gaarsiiyay in uurjiiftooda lagu abuuro Ey. Fariinta ay xambaarsan tahay ayaa ahayd in dunida Islaamka lagu lahaa   “waxaan doonno ayaynu samayn karnaa weliba idinka oo arkaya”. Haddii ay jirto bog xanuun leh oo aan akhriyay waa bogan/ ciwaankan

Waxaan Alle weyne ka tuugayaa in uu ina xafido dhammaanteen.

Oraahda cajiibka ah ee aan buuggan kala baxay ayaa ah in Ibnul Carabi uu yiri “ shaqsiyadda qofku ay weligoodba sidaa soo ahayd, naf kastaana ay ifkan timaaddo iyada oo wadata sirteeda ay caalamkaas inaga daahson ee ay weligeedba joogtay kala timid, niyooyinkeeda iyo diikhyadeeduna ay gudaheeda ku dahsoon yihiin, Illaahayna adduunkan uu u sameeyay si uu dibedda ugu soo saaro naf walba waxa u qarsoon ee aanay cid kale la arkaynin.”

DR Mustafa Mohmoud

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *