CARRABKA

CARRABKU:  Waa xubin muruqyo ka samaysan oo ku dhextaalla afka, oo ka kooban 17 muruq kaas oo ku  dheggan  daanka hoose ee afka, kuwaas oo u fududeeya dhaqdhaqaaqa iyo shaqadiisa.
Carrabku waa ka ugu xooggan uguna dheereeya muruqyada jirka. Sida suulka oo kale, carrabku waxa uu leeyahay qaab iyo xarriijimo u gooni ah. Carrabka qof kastaaba waxa uu leeyahay xarriiqo u gooni ah oo aanay jirin cid la wadaagta.
Laf malahan, haddana waxa caajiiba sida uu qalbiyada dadka u jabiyo. Ilays iyo nuur ma leh, haddana waxaa la yaableh sida uu Alle weyne ugu nuuriyay dunida. Carrabku waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo kala duwan sida qaab dhismeedka, shaqada iyo dareenwadayaasha soo gala. Waxaa lagu kala magacaabaa qaybta hoose ee carrabka iyo qaybta sare ee carrabka.

Qaybta hoose ee carrabka: waxaa lagu naanaysaa carrabka saddexaad.
Qaybta sare ee carrabka: waa qaybta ugu ballaaran carrabka. Xuubka sare ee carrabka waxaa ka buuxa godad yaryar oo la yiraahdo ( Papillae) oo ah dhadhan dhadhamiyayaal. Qaybtan oo keliya waxa ku jira 10 kun oo buro, buradii kastaana waxaa ku jirta 50-100 dhadhan-dareeme. Carrabku walaxdiiba waxa uu ka nuugaa 25 malakuyuul, si uu u aqoonsado dhadhanka walaxdaasi leedahay.
Qaybta sare ee carrabku waxa uu lee yahay/ ka kooban yahay qaybo kala geddisan oo mid waliba wax gaar ah ay u xilsaaran tahay sida qaybta kulka dhadhamisa, qayb macaanka u taagan, qayb dhanaanka sheekta iyo qayb qaraarka qaabilsan.
Afka qofka caadiyan waxaa laga helaa bacteeriyo 600-700 nooc ah. Bacteeriyooyinkan qaar ayaa raaci kara dhiiga, gaar ahaan marka uu qofku qabo xannuunada ku dhaca afka iyo cirridka. Waxayna keensadaa xannuuno ay ka mid yihiin wadne xannuun, sabbabada oo xumaada, dhalmo la’aanta, lafaha oo jilca iyo iyo iyo…

50% bacteeriyada afka ku jirtaa waxa ay ku nooshahay afka, waxaana sababta arrintan in ay bacteeriyadu ku noolaan karto burooyinka yar yar ee carrabka.
Dhadhanku waxa uu ka mid yahay nimcooyinka Alle weyne ina siiyay, shaqada ugu mudan oo uu inoo hayyaana waa ilaalinta nafaheenna. Ilmaha yarka ah waxa ay aad u jecelyihiin macaanka. Maxaayeelay, macaanku waxa uu ka qaybqaataa korriimada carruurta oo waxa ay ka helaan maado loo yaqaan KOLORIIN.
Haddii ilmaha yar la siiyo wax dhadhaan ama qaraar, ma cuni karaan. Maxaa yeelay, jirkooda ayaa laga ilaaliyaa si uusan u sumoobin.

MAXAYNU CUNTO GAARA U JECLAANAA?
waa dhaqan la abuuran karo, maxaa yeelay, in aad jeclaataa cunto gaara waxaa sababi kara adiga oo ku qancay cuntadaas, ama waayo-aragnnimo aad ka heshay waalidka, asxaabta iyo maskaxdaada oo ku qanacday.
Sidoo kale waxaa ka qayb qaata deeggaanka, wakhtiyada quruxda badan, waxbarashada iyo dhacdooyinka, kuwaas oo ku sidkan xilligii aad cuntada cuntay, taas oo si tabban/ togan saamayn ugu yeelatay qaabkii ay cuntadaasi kuu xiise galisay.

DILISTA DHADHANKA:
Waxa ay dhacdadani timaadaa kadib marka uu qofku cuno cunto ay ku badan tahay wax gooniya, sida wax yaalaha cuntada lagu kululeeyo ( filfisha, sanjabiilka…) ama wax yaalaha cuntada lagu carfiyo sida xawaasha IWM. Mar kasta oo uu qofku cuno cunto xawaashku ku badan yahy ama xawaash kulul, waxa ay keentaa in uu dilo burooyinka dhadhanka. Marba marka ka dambaysaa qofku waxa uu u baahan doonaa in uu cuno si xawaashku u gaaro, maxaa yeelay waxa uu dilay qofkaasi burooyinkii dhadhanka qaabilsanaa.

Waxaa la mid ah cuntooyinka warshadaysan. Qofku markasta waxa uu u baahan doonaa in uu ka cuno wax badan si uu dhadhankii u gaaro, taasina waxa ay lumin doontaa in uu waayo awoodii caadiga ahayd ee uu ku dhadhamin jiray qudaarta/ miraha qaar.
Si aysan tan u dhicin waxaa muhiim ah/ ama uu qofku ku soo ceshan karaa awoodiisii caadiga ahayd in uu meesha ka saaro cuntooyinka wax gaara ay ku badan yihiin/ cuntooyinka warshadaysan.

MAXAYNU KA FAHMAYNAA QAABKA UU CARRABKU U QASHEEYO?
Waxa aynnu ka baran karnaa xikmada Alle weyne, haddii aad carrabkaaga nadiifiso oo ka nadafiiso bacteeriyada kugu sababi karta xannuuno riiqdheeraada, kadibna aadan daaqgeyn oo aadan barin cunto ay ku badan tahay wax gaara. Dabcan waxa aynnu dhihi karnaa waxaad ku guulaysatay ilaalinta afkaaga iyo carrabkaaga.

Dhank kale sida aad uga nadiifisay bacteeriyada iyo jeermiska qaar, miyaysan ahayn inaad uga nadiifiso kelmadaha Rabbi inaga reebay in aynnu isu adeegsanno? Sida aadan u daaqgeyn oo aadan u baarrin cunto ay ku  badantahay wax gaara, miyaysan ahayn inaad ka ilaaliso carrabkaaga hadalada qaar. Kuwaas oo marka dambe ku gaarsiiya inaadan xishoon, oo aad noqoto qof waxa uu yiri aysan damqin. Ilaa marka dambe aad kaga gudubto derajo aadan maalinka Qiyaame mahdin.
Tilmaamahaasna waxaa ka mid ah in carrabkaagu uusan baran beenta. Marka uu been bartana NAAR ku gayn doono. Haddii aad beenta caadaysatana waxaad uga sii gudbi XANTA. Taasina waa mid Alle weyne xagiisa aanan laga jeclayn.

Anas Rc ayaa ka werinaya in nabigu SCW uu yiri; “ma tooso iimaanka qofku ilaa uu tooso qalbigiisu, qalbiguna ma tooso ilaa uu carrabku tooso, Jannadana ma galo qof aanu deriskiisa ka amaanhelin.”
Meel kale nabigu SCW waxa uu yiri;  “qofka mu’minka ahi ma aha mid habaartama, dadka naclada, fadeexeeya oo foolxumeeya dadka.”
Meel kale nabigu SCW waxa uu yiri; ‘ waxa aan idinku ogahay runta, oo runtu waxa ay idinku hanuuninaysaa wanaagga, wanaagguna waxa uu idinku hanuuninayaa Jannada. Qofka runta laasima Illaahay agtiisa waxaa loogu qoraa RUNSHEEGE., waxa aan idinkaga digayaa beenta, oo beentu waxa ay idinku hanuuninaysaa faajirnimada, faajirnimaduna waxa ay idin ku hanuuninaysaa Naarta, qofkuna haddii uu been-sheegista laasimo Illaahay agtiisa waxaa loogu qoraa BEENAWAAS.
Haddii aad carrabkaaga ku barbaariso RUNTA, waxa uu kugu simi doonnaa JANNO. Haddii aad caaddaysato run sheegnimaddana waxaad uga sii gudbi doontaa qof AAMIN ah. Oo dadka ayaa kugu baran doona. Alle weyne xagiisana waa lagaaga jeclaan doonaa idam Alle.
Waxaynnu nahay Aadame u afduuban nafteenna iyo Sheydaan oo ku lamaan. Intii Alle u gargaaray ayaa ka gudubtay dabbarkan s,e waxaa jirta tallooyin uu Alle SWC siiyay Ambiyadiisii iyo dhammaan ummadiisa taas oo ah “ in aad badiso xuska Alle”. Waa darbiga idiin dhaxayn kara adiga iyo dembiga. Sidoo kale waxa uu nadiifiyaa gefefkaagii hore. Haddii aad dareentid inaad qalad ku dhacday maalinka intiisa hore, is qabo oo maalinka intiisa dambe xuska Alle ku dhammayso. Alle ha ina asturo.
 “Dhawr carrabkaaga aadamow, oo yaanu ku qaniinin waa mas’e.
Immisa ayaa xabaalaha ku jira geesiyo aan lagu dhici jirin oo ay carrabadoodu dileen.”

Macluumadan waxaan ka soo diyaariyay buugga JIRAALKAY 2 oo uu qoray Dr. Waliid Axmed Fatiixi, waxaana afnaqay Khaalid Ciise.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *