HALXIRAALAHA BARBAROOSA.

Waxaa qoray qoraa Falastiini ah Jihaad Turbaani. Waxaa afnaqay Jacfar S. Yuusuf. Waa buug ka kooban 251 bog.  Waxaa hogaaminaya qisada buugga wiil la yiraahdo Halgan oo Falastiini ah, iyo saaxiibkii Cabdiscasiis oo ka soo jeedaa dhulka Marooko. Waxay ku noolyihiin cariga Ingriiska. Cabdicasiis waa nin u shaqeeya waraasaradda sirdoonka Ingirriska, halka Halganna uu yahay nin waxbartay oo macalin ah.

Maalin maalmaha ku jirta ayaa Halgan waxaa u soo dhacay tilifoon aanu garanayn cida leh. In cabbaara goor uu dhacayay ayuu ka qabanaayaa. Codkani ma ahan mid ku cusub, markiiba waa uu gartay inuu yahay saaxiibkii Cabdicasiis. Isaga oo u sheegaya in uu yimid London, waqtiganna waxa uu usoo wacay ay tahay inuu arkay warqad si cajiibleh u qoran. Oo uu hal wax ka fahmi waaye.

Halgan ayaa u imaanaya saaxiibkii Cabdicasiis, waxay isla fiirinayaa waxa ay ka dhigan tahay warqadani. Intaa kadib waxa ay bilaabayaan inay waxa iska weydiiyaan waxa ay u taagan tahay warqada iyo waxa ku xusan.

Inta ugu badan waxay ahaayeen astaamo, iyo nambaro, halka meelo yarna ay ka soo raacayeen qoraallo.  Waxay bilaayaan inay halxiraalaha ay furfuraan. Kadib, waxa ay safar usoo galayaan meelo ay kamid tahay Turki, Tuniis, Aljeeriya  iyo ugu dambeynta Marooko.

Halgan waxaa uu ahaa yaraantiisa wiil maskax furan leh. Eeddadii Khadiija waxay ahayd mid wax bari jirtay. Waxay ku ciyaarsiin jirtay qaab layaab leh. Oo astaamo badan oo uu yaqaano yaraannimadiisii ayuu soo bartay. Waxaa nala barayaaa qaabka ay ugu baxday naaanaysta ah 101. Waxa uu muujinayaa in waqtigaa uu halgan ardayga ahaa weliba dugisigiisii hoose, in waxbarashada ilmaha la barayaa ay ahayd mid kooban.

Maadaama uu ahaa nin xisaabta aad u jecel, waxa uu dhibsanayaa in tirada cashir ahaan loo siiyaa aysan dhaafin tirada 100. Kolkaa waxa uu bilaabayaa in uu raadiyo tirada ku xikta ee 101. Eeddadii Khadiija ayuu weydiinayaa, iyadana waxay u sheegaysa in haddii uu raad-guro wax aysan adduunku u ogolaan uu diyaar u ahaado caqadaha laga yaabo inay ka soo garaan.

Sabab ayaana jirta ay eeddadu hadaladaan wiilkeeda ugu dhahayso. Isna wuu ku madax adaygayaa in uu ogaadi tirada ku xigta 100. Waxa uu weydiinaay wiil Axmed la yiraahdo, oo ahaa arday firfircoon oo tallooyin ku  aadan iskauulka siin jiray Halgan iyo intii la midka ahayd intii aanay bilaabin iskuukla.

Axmed oo ahaa fasalka 4 ayuu weydiinayaa Halgan tiara  ku xigta 100. Isna wuu uga jawaabayaa oo waa 101 ayuu dhahayaa.  Kadib fasalka ayuu ka dhexsheegayaa markii ay ardaydii ku ekeeyeen tirada 100. Halgan waxa uu ku dhawaqayaa 101. Inbadan markii uu sidaan sameeyay, ayna isku dhaceen macalinkii xisaabta, Halganna uu ku adkeystay Ilaa heer macalinkii uu arday ku yiri ‘imtixaanka ayaan idin gudbinayaa haddii aad ardayda dhan buuggaagtooda dhaawacdaan oo buuga Halgan ka taktaaan’.

Waxaa la oganayaa in dhacdadaasi uu macalinka ka dambeeyay, halkaasna uu ku weynayo shaqadiisa. Halgan madax adaygisii waxa uu gaarayaa in dib loo fiiriyo tirada ardayda dugsiyada hoose la barayo in intaa laga ballaariyo, taasina way dhacday. Oo waxaa intaa xiktay in ardaydii iskuulku ay halgan ku dhihi jireen 101.

Dhanka kale  ee buugga waxaan ku baranaynaa astaamo ayaynaan wax fikrad ah ka haysan halka ay salka ku hayaan. Tusaale;

Warqada Burdi-ga la yiraahdo. Waa warqada ay ku qoran tahay halxiraalaha Barbaroosa. Asal ahaan warqadaan waxaa laga isticmaali jiray ama isticmaali jiray Masaaridii hore ee xilligii Faraacinada. Waxaa kale oo markii dambe isticmaali jiray Giiriigii, Roomaankii iyo Finniiqiyiintiiba.

Astaanta xibisigii Naasi-ga: Badanaaba dadku waxay rumaysan yihiin kolka ay arkaa astaantii Mactabka Qallooca ee Hitler adeegsan jiray in ay tahay astaan u taagan gaboodfalladii iyo xasuuqyadii uu gaystay Hitlet balse, waxaa jira isla astaantan waxaa jira dad ka aaminsan in ay tahay astaan diimeed muqaddas ah. Waxaad ku arki kartaa macbadyadda Hinduuska iyo Buudiiska, o waxa ay ugu yeeraan SWASTI-KA.

Xidigta lixgeeska ah. Xidigtan sida dadku badiba u maleeyaan, Yuhuud gaar uma ahan. Waxaa hore nashqadohooda ugu adeegsan jiray Kirishtaanka, Muslimka, Hinduukska, iyo Buudiska.

Muslimiinta waxay ku xardhi jireen masaajiddooda iyo dhimayaashooda, xataa lacagaha qaar. Oo Muslimiintu xidigtan waxa ay u yaqaanaan “Khaatamu sulaymaan” ( Fragalkii nebi Sulrymaan).  Waxaa kale oo lagu arkay farshaxankii Marooko, iyo dhismayaashii laga yagleelay dalka Andalus.

HORAY MA U MAQASHAY?

Horay ma u maqashay Khayrudiin Barbaroosa iyo walaalkii ka weynaa Cujuun Barbaroosa.?

Maxaad ka taqaan Eratosthenes ama Iraatoos?

Weli miyaad maqashay sumsumka Fibanocci?

Maxaad ka ogtahay bucadbadeedkii Caribbean-ka. ( kan aynnu badankeen ku daawanay flimka PARITES OF CARIBBEAN ee uu hogaaminayay Jhonny Deep).

Hadda kahor miyaad maqashay heshiishkii Tiriboli? ( 4-11-1796, kaas oo u dhaxeeyay Madaxweynihii Mareykanka ee Goerge Washington, iyo dowladdii Cusmaaniyiinta)

Maxaad ka taqaan erayga  “ASSASSIN / ASSASINATE” asala ahaan halka uu ka yimid.?

Intaan iyo kabadnba buugga ayaad ugu tagi doontaa. Haddii aad tahay qof xiiseeya buuggaagta taariikhda, kani waa buuggaagii, horay u gaar oo ka bogasho wacan.

Side ayuu ku ogaaday Halgan qofka halxiraalaha soo diray?

Qofka halxiraalaha soo diyaariyay waa hooyda dhashay Halgan. Arrinkan waxay u smaaysay kadib markii ay diyaarinaysay Phd-da oo ay ka diyaarinaysay taariikhda, ayay ogaatay wax ku saabsan Xashaashiintii jirtay wagaa in ay jogaan ama nool yihiin iyaga oo huwan magaca ‘ Xashaashiinta cusub’.

 Waxaa jirtay in ay la xiriirtay jaamacaddo kale si ay u sii xoojiso macluumada ay heshay. Maalin ayaa waxaa dhacaysa in uu la soo xiriiray qof sheegayana prof; jaamacaddaas wax ka dhiga, isaga oo su’aalaya inay la wadaagto waxa ay heshay ee ku saabsan baaritaankeeda.

Markii uu arkay warka ay heesaa in uu yahay mid xasaasi ah ayuu u soo duulay magaalada Qasa. Kadib markaa ayuu bilaabay ninkii macalinka ahaa in uu handado oo ay joojiso gebi ahaanba baaritaanka ay heesho. Wey ku adkeysateen ( hooyda iyo aabbaha dhalay Halgan) inaysan joojinayn, waxaa intaa xigay inay dilen aabbihii Halgan dhalay, o shilgaari ayuu ku dhintay.

Caaisha waa hooyda Halgan’e waxay u baqday nafta ilmaheeda yar. Waxay la xiriirtay qolyihii u cago-jugleenayay, oo waxay u sheegty inay faraha ka qaaday dhammaan baaritaankeedii. Iyagana waxay u soo direen adduun lacageed, iyadana way ka aqbashay si ay u muujiso inay gebi ahaanba adduunkaas ( sir ogaanshaha ah ) isaga baxday.

Kadib ayay ka haajirtay magaalada Qasa. Halganna ay ku dhaaftay eeddadii Khadiija. Iyadana waxay dejisay qorshe kale oo ah ( inay u dhimatay murugadii ka soo gaartay kadib geeridii ninkeeda, markii ay u adkaysan waysay inay ka daba taktay).

Sidaas ayaa lagu rumaysatay, ilaa Caaisha iyo Khadiija ay ku wada xiriiri jireen si dhuumasho ah. Waa dambe ayaa Khadiija waxaa la soo xiriirtay shirkad iyada soo ogaatay baaritaannadii ay hore u soo samayasay dumaashideed, waxayna wax ka wediiyeen wax ku saabsan Caaisha iyo baaritaankeedi hlka uu ku dambeeyay.

Khadiija waxay u sheegaty “inay gabadhaas waa hore dhimatay, aysanna ogeen wax ku saabsan baaritaankeedii”. Maalmo gaaban kadib waxaa shil gaari ku dhimatay Khadiija. Waxay noqotay Caaisha mid cabsi badan la nool, oo u cabsanaysa wiilkeeda Halgan.

Kadib ayay go’aansatay inay u dirto halxiraalaha Barbaroosa. Taasina waxay ugu suurogashay kadib markii ay isbarteen hooyada dhashay Cabdicasiis oo ah saaxiibka Halgan. Oo waxaa u fududayd inay ogaato wax waliba oo ku saabsan Halgan. Maadaama uu uga warrami jiray Cabdicasiis.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *