AMIIRKA CAS

Cali Xasan Salaam, ama Amiirka Cas. Waa nin u dhashay dalka Falastiin, sidoo kale ku caanbaxay hawlgallo ka dhan ah Israa’iil, kaas oo ay markii dambe u bixisay naanaysta AMIIRKA CAS, raysalwasaarihii waqtigaas GOLD MEIR.

Amiirka Cas, buug yarahan waxa uu ka kooban yahay 224 bog. Waa buug uu qoray walaal Kamaal Marjaan, sida buuguba uu ciwaankiisu yahay, waxa uu ka hadlayaa nolosha nin ay ka ledi waayeen gumaystaha Israa’iil.

Waa kuma Cali Xasan Salaam?

Howlgalladii Sabtembarta madow muxuu ahaa?

Ugaarsigii Amiirka ay Israa’iil bilowday iyo

Khaarinjintii Amiirka Cas.

Waa inta uu buugu ka hadlayo. Waxan filyaaa in badankkeennu aynnu maqalnay mar uun Amiirka Cas, ama aynnu maqalnay Amiina Almufti.

NOLOSHII CALI SALAAMA WAX KU SAABSAN

Cali Xasan Salaam waa nin ku dhashay tuulo la yiraahdo QAWLAT sanadii 1940. Qawlat oo ah dhul ay hadda ka taliso Israa’iil, waxa ay dhinaca waqooyi-bari kaga began tahay Raammallaah, oo ah caasimadda ismaamulka Falastiiniyiinta. Aabbaha dhalay Cali oo ah Xasan Salaam, waxa uu ahaa nin tuullaadaas ka suntan. Oo waxa uu ahaa jaalkii Cabdulqaadir Alxusayni, iyaga oo ahaayeen hoggaamiyeyashii kooxihii hubaysnaa ee Carbeed, kuwaas oo ka soo horgeeday Ingiriis iyo Israa’iil, oo dhulkooda sida xoog ah ugu soo duuleen. Waa kacdoonkii Carbeed ee dhulka falastiin ka dhacay intii u dhexeysay 1936-1939

Xasan Salaama waxa uu ahaa ama kamid ahaa hoggaamiyeyaashii ciidankii la baxay Jeyshul Jihaad, dagaalkii socday 1948, kaas oo noqday mid dhulalal badan looga awood roonaaday Falastiiniiyiinta.

1948 bishii Mey maalin dagaal la isku gacan saaray oo ka dhacay Raasulcayn  oo waqooyi galbeed ka xigta Quddus, waxaa dagaalkaas ku soo dhaawacmay Xasan Salaam, isaga oo dhawacaasi ka soo gaarat  sanbabka bidix, kadib 2 maalin  ayuu u dhintay dhaawacaas.

Cali waxa uu jiray 15 sanno marka uu arkayay aabbiihii oo ku hor geeriyoonaaya. Hooyada dhashay Cali Xasan, waxay ka cabsi qabtay in ay Israa’iil iyo xulafaddeedu soo raadsadaan wiilkeeda, waxa ayna u la carartay dalka Lubnaan. Waxa aynna muddo ku noolaayeen xerada qaxootiga Falastiiniyiintu deggen yihiin ee ku taalla deegaanka magaalada Naabulis.  Intii uu Naabulis ku noolaa Cali Salaam waxa uu ka bartay dugsigiisii waxbarashada. Oo kadib waxa uu kaga sii gudbay jaamacadda Mareykanka ee Beyruut. Maadaama uu ahaa nin kaalmaha hore ka geli jiray iskuulkiisa.

Nin dhiirran oo qaab hoggaamiyennimo leh ayuu ahaa. Isaga oo aan waxbarashiisa dhammaysan ayay soo baxday saamaynta uu lee yahay. Waxa uu ardayda u qaban jiray doodo, iyo in uu mararka qaar soo jeedin jiray khudbaddo dhalinta uu ku reebayo raad, isaga oo hadalladiisa ku fur furan jiray erayo xamaasadda dadka kicinayay. Taas waxaa sii xoojisay saamaynta uu aabbihii ku lahaa reer Falastii dhexdooda.

Waxa uu bartay Injineernimo, waxaa jirtay in ay wax isla baranayeen rag ay isku lood ahaayeen, oo markii dambena isku shaqo noqdeen. Isaga oo weli arday ah ayaa ay isbarteen Yaasir Carafaad, oo markaas aasaasay ururkii iska caabinta ee FATAX.

1965, waxa uu ahaa agaasimaha waaxda dadweynaha ee ururka xoraynta Falastiin. Julaay 1968, waxaa loo magacaabay hoggaanka hay’ada lagu magacaabo “RASD” Athawra ( kor-joogtaynta Kacaanka)

1970, waxa uu Salaama noqday taliyaha laanta hawlgallada gaarka ah ee la dagaallanka sirdoonka Israa’iil gudaha iyo dibaddaba. Waxa ay ahayd laanta ugu khatarsan, isla markaana haysay qaybta ugu xasaasisan shaqadii sirdoon ee wakaaladda RASD.

Salaama waxa uu magaciisu caan baxay markii lagu xirririyaya hawlgallo khatar ahaa oo uu isagu qorsheeyay, ama xitaa mararka qaarkood fullintooda ka qaybgalay. Waxaa ka mid ahaa hawlgalakii bashaqadaha qarxaya boostada loogu dirayay saraakiisha Yuhuuda ee ku sugnaa Yurub, dadka ku dhintay uu ka mid ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay MOSSAD laanteeda ka hawlgeli jirtay Ingiriiska.

Hawlgalka Muniikh ee lagu dilay ciyaartoydii Israa’iil uga qaybgeli lahaa ciyaaraha Olambikada adduunka ee 1972.  Hawlgalkii lagu fashiliyay basaasaddii caanka ahyd ee Amiina ALmufti. Isku daygii khaarajinta boqorkii Urdun iyo dilkii sarkaal sarre oo MOSSAD uga wakiil ahaa dalka Beljam iyo khaar kale oo badan.

RIYAAD KANCAAN

Waxaa ku jira buugga Riyaad Kancaan oo ahaa kuxigeenkii Carafaat, sidoo kale ahaa gacantii midig ee Abu Jihaad, oo ay markii dambe Israa’iil ku dishay dalka Tuniisiya.  Abu Jihaad waxa uu ka mid ahaa raggii ama qorsheyaasha qaar keenay, oo kooxdii Sambembarta Madow ka fulisay dadlal dhowr ah, ha ugu horeeyo qorshihii iskudayga di lee Gold Meir.

Kancaan waxa uu ka kid noqonaa nin gacan saar la leh Israa’iil, oo waxa uu fashiliyay shirqoollo badan ay la damacsanayd Sabtembarta Madow cadowgeeda Israa’iil.  Waxa uu inaga siinayaa sawir masiirkii uu ku dambeeyay Kancaan oo ku wacad-furtay saxaabtiisii ay isku fikirka ayaaheen, se markii dambe uu isagu adduun ka doortay. Ayaanddarradiisa’e miyuu helay ayay kula tahay wixii uu ka doortay dadkii iyo dalkiisa?

RAADINTII/ BAACSASHADII AMIIRKA CAS

Sidii uu u raadgadan jiraya Salaama ayaad kala yaabaysaa inta aad buuggan akhrinayso. Sida in wiilka ay u dhashay Georgina Risaq in la yiraahdo Cali Salaama. Waxaa kalle oo kaa yaabinayaa sida uu ugu ciyaari jiray sirdoonka Israa’iil ee MOSSAD sida hawlgalkii ay Israa’iil ku doonaysay in ay ku disho Amiirka Cas, dalka NOORWAY gobolka Lillehammer, iyaga oo u malaynaya (Israa’ill) in ay gacanta ku dhigtay Amiirka Cas, ayaa ay dilayaan wiil ka soo jeeda dalka Marooko, oo markaas la socday xaaskiisa oo u dhalatay Noorwey, ahaydna xaamilo. Ceebta ugu weyni MOSSAD waxa ay gaaraysaa kadib marka ay hadlaan raggii hawlgalka qabtay oo ay marka dambe boolisku gacanta ku dhigeen.

DILKII AMIIRKA CAS

 Ugu dambayn ninkii ay sidaa MOSSAD ugu raad joogtay, sidoo kale aad ugu oomanayd inay maalin dhiigiisa dhulka ku daadiso. Waxaa u suura-geli doonta MOSSAD inay disho Amiirak Cas. Erika waa basaasadda keentay ama soo gudbinaysay wax waliba oo ku saabsan Amiirka Cas, una gudbinaysay Israa’iil. Kadib markii uu Salaama noqday nin aan sidii hore u feejignayn, markii uu noqday nin faraha ka qaaday hawllihii sirdoon oo aysan wax sidaa u weyn u geysan Israa’iil. Waxyaalo badan oo is biirsaday, iyo jadwalka uu lee yahay oo ahaa mid isku mid ah, Israa’iil waxaa u suuro-gashay inay ka taqallusto Amiirka Cas iyo dhowr rag oo kamid ahaa ilaaladiisa.

MAXAAN KA BARANNAYNAA BUUGGAN?

Buuggan waxaad ka baranaysaa qaababka sirdoonku u shaqeeyo, waxaad kabaranaysaa fikirka iyo xeeladaha sirdoonku adeegsado. Waxaa ku cajabinaya sida ay u dhacayaan shirqoollada ay qaadayeen Salaama iyo kooxdiisa. Maskaxda iyo xeeladaha ay adeegsanayaan ayaa ku sii yaab gelinaya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *