DABADEED QOFNA MA HARIN

Waa bug ka qisoonaya sheeko mala’awaal ah. Taas oo ku saabsan in dad ka kooban 10 ruux la isugu keenay jasiirad go’doon ah oo aan lahayn meel looga xiriiro ama looga dirsado qeylo dhaan haddii ay wax dhacaan. Taas waxaa ugu wacan foggaanta ay ka fog tahay caalamka kale, iyo iyada oo ku xeeran biyo.

Dadka halkan ku sugan( waa jasiirada’e) waxay ka siman yihiin waa mid oo ah “ dad dembiyo horre geeystay, kadibna sharcigu aanu soo qaban”.  Waxaa intaas dheer in aysan bedankood aqbalsaneen inay yihiin dad dembi galay. Qofka ugu badan waxa uu geystay dil wadareed, mar uu ku sugnaa dalka dibaddiisa halkaas oo ay dowladdu ugu dirtay howlgal. Halka qaar kale ay geysteen fal dil  ilaa laba ruux ah. Qofka ugu yar ayaa hal qof dilay.

Waxaa kale oo ay ka siman yihiin in uu jiro qof soo casuumay dhammaantood, kaas oo aysan jirin qof si xaqiiqo ah u la kulmay hadda ka hor. Waxaa jirta oo kale, inaysan jasiiradan ugu imaan intooda ( toban ka ha) marka laga reebo laba qof oo ah nin iyo xaaskiisa, oo ah kuwo loo diyaariyay inay u adeeggaan martida. Waxaa jira hal nin oo ah kan doonta ku keeni doonna martida, isaguna waxa uu qarsoomi doonnaa marka uu dhammaantood keeno jasiiradda. Oo ma ahan mid dib u soo laaban doono.

Ku darso xisaabta goobtan ma jiro qof horrey u yimid, xogta ay hayyaan qaarkood ayaa ah in uu jiro milyandheer gatay gurigan meeshan cidlada ah ku yaala ahna shaqsiga casuummaada u soo fidiyey. Inta ama jasiiraddaan waxaa ku dhan dhammaan wixii loo baahnaa oo agab ah, oo waa arrin la sii qorsheeyey muddada lagu noolaan karo goobtan.

Saddex dumar ah iyo toddoba nin bay ku jooggaan jasiiraddan, oo cid kale kuma wehliso.

Qol waliba oo guriga ka mid ah, waxaa ku dhagan jidaarka waraaq ay ku qorontahay qasiido si caajiibleh u qoron. Waxaa yaraanaysa inta aragtay ee wada akhrinsay qormadaas. Waxayna u qorontahay sidan….

  • Toban askari oo yar yar ayaa casho tegay, midkood ayaa saxday, dabadeed sagaal ayaa haray.
  • Sagaal askari oo yar yar ayaa saamalaylay, ilaa soodhawaadkii, midkood ayay hurdadu la tagtay, dabadeed siddeed ayaa hartay.
  • Siddeed askari oo yar yar ayaa u safray Devon ( waa Meesha ay ku sugan yihiin), mid ayaa yiri “halkan ayaan ku harayaa”, dabadeed toddoba ayaa hartay.
  • Toddoba askari oo yar yar ayaa xaabo jarjarayay, mid ayaa laba isku kala jaray, dabadeed lix ayaa hartay.
  • Lix askari oo yar yar ayaa ku ciyaaray awlal ( waa guri shinni ama meesha ay shinnidu malabkeeda ku samaysato) shinniyeed, mid ayay qaniintay shinni yuusaysaa, dabadeed shan ayaa hartay.
  • Shan askari oo yar yar ayaa aaday garsoorka, mid ayay la hartay maxkamaddu, dabadeed afar ayaa hartay.
  • Afar askari oo yar yar ayaa aaday badda, mid ayuu kalluun casi liqay, dabadeed saddex ayaa hartay.
  • Saddex askari oo yar yar ayaa aaday beerta xayawaanka, mid ayay buti ( madaxkuti) weyni labta gelisay, dabadeed laba ayaa hartay.
  • Laba askari oo yar yara ayaa cadceedda fadhiistay, mid yay fallaarihii ku dhufteen, dabadeed mid ayaa haray.
  • Hal askari oo yar oo keliya ayaa soo haray, isagiina wuu is dilay, dabadeed qofna ma harin.

BUUGGU WUXUU KAA DHIGAAYAA….

Sheekadaan waxa ay kaa dhigaysaa adiga akhristaha ah inaad sii qiyaasto, waa kuma dilaagu.? Haddii ba aad ogaatay sababta loo dilayo bilowga sheekada oo ah ‘in laga abaal marinayo dembiyadoodii aysan caddaaladu ku ciqaabin’ sidii ay doonto ha ahaato qisadoodu’e maankaagu waxa uu qiyaas ku daalayaa in uu  garato qof ka dhabta ee dilalka sida isku xig xiga ah u geysanaya.  Waxaa jirta oo kale in sida qasiisaddu u qoron tahay ay dilalku u dhacayaan. Haddii aad u kuur gasho, waad ka garan kartaa sheekada dhexdeeda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *