MUU AKHRIYO WAALIDKAY.!


CILLADDA IYO HAGAAJINTA.

CILLADDA: waxa aynnu uga jeednaa marka midkeen uu ku fashilmo in uu fahmo midka kale, ama yannu iska aaminno mala’awaallo qaldan, ama marka aynnu dhaawac u geysanno qof uun. Xiriirka uu doonaaba ha inagala dhexeeyo’e. Boogdhayidda xiriiradu inta badan waxa ay u dhacdaa, in marka hore aynnu bedelno falcelinteenna la xiriirta ficilka, in aynnu ogaanno waxyaabaha darreenadeenna kiciya, ka dibna aynnu uga faa’iideysanno beddelidda habdhaqankeenna.
Waxa ubadkeennu ay inaga doonyaan ayaa ah, in aynnu ahaanno sida dhabta ah ee aynnu nahay, ma aha in aynnu iska dhigno kuwo dhammaystiran. Ka feker carruurnimadaadii, ma dareentay marna niyadxumo, dembi ama in aad xitaa masuul ka tahay xaaladaha xun-xun ee qoyskiinna.? Haddii taasi ay dhacday, waa ay fududdahay in aad boogahaas kugu yaalla ku daweyso u-gudbinta eedda cid kale, inta badanna waxa dhibbane u noqda boogahaas carruurteenna.

Dareenkooda gudaha ayaa u sheegaya marka aynnu iyaga ku qanacsan nahay ama waxa ay sameynayaan. Haddii se aynnu metelno kuwo qanacsan waxa aynnu si ogaal la’aan ah u dilaynaa dareenkoodaas.
Tus: haddii aynnu iska dhigno dad aan qaldami karin, waxa ay abuuraysaa taasi ilmo wax kasta aaminaya, ma aha waxa aynnu iannag u sheegno oo keliya, xitaa dadka kale!
Intaas ka dibna waxa uu noqonayaa ilmuhu cunto bisil oo uu qaldi karo, isla markaana ku danaysan karo qof kasta oo aan dantiisa wadin.
Hadii ilmuhu uu lee yahay wacyi ku filan, waxa aad adeegsan kartaa erayo raalligelin ah. Xitaa haddii ad ogaato muddo dheer ka dib in ad ilmahaaga ula dhaqantay si xun, mar walba waad awooddaa in aad qirato qaladkaagii. Taasina waa mid micno weyn u samaynaysa imaha iyo xitaa carruurta waaweyn, marka waalidku uu hagaajiyo cilladda jirta.

DHAYISTA TAGTADA.

Mar ayay i weydiisay gabar dhowaan hooyo noqon doontaa, talada aan siinkaro qof hooyo ama aabbe noqon doona. Waxa aan ku iri: ‘ da’kasta oo uu yahay ilmahaagu, waxa uu ku xasuusin doonaa dareennadii aad dareemi jirtay markii aad isaga le’ekeed. Waxa aya ii soo eegtay si amankaag leh. Sannad iyo xoogaa ka dib ayay ii sheegtay, iyada oo ilmaheediina wadata, in aanay fahmin wixii aan u sheegay kulankayagii hore, laakiin ay u dhaadhaceen hadalladaasi waqtigii ay gudagashay barbaarinta ilmaheeda.

Si toos ah u xasuusan maysid micnaha ay leedahay in aad ilmo yar tahay, laakiin heerar kale oo badan ayaad soo xasuusan doontaa. Ilmahaaga ayaana ku soo xasuusin doona si joogto ah. Waxa arrin aad u dhaca ah in laba waalid mid ka mid ahi uu isaga baxo nolosha ilmihiisa, isaga oo jira da’a lamid ah da’dii uu aabbihii ama hooyadii kaga tageen. Ama in uu rabo dareen ahaan in uu ka fogaado ilmihiisu marka uu gaaro da’ uu isagu ku dareemi jiray kelinimo carruurnimadiisii.
Dad badan ayaa u fahansan in aad ka fogaato ilmahaagu inay tahay ka-fogaanshaha jireed uun, ee ah in aad ka dheeraato noloshiisa. Laakiin ka warran fogaanshah dareeneed ee aad samayso marka ilmahaagu uu rabo in uu ku soo jeediyo, ama in aad dhegaysan weydo marka uu rabo in uu ku tuso sawir-gacmeed uu sawiray, tan oo la micno ah in ilmahaagu rabo in uu ku tuso shaqsiyaddiisa.

Dareenka ah in aad iska fogayso ilmahaaga, ama uu in badan kaa hurdo ama uu kaaga mashquulo ciyaar iyo wax la mid ah, si aanu waqti badan kaaga qaadan, waxa uu inta badan soo baxaa marka aanad rabin in ay dib kuugu soo kacaan dareeno xanuun badan oo carruurnimadaadi ahaa. Waxaa run ah in waqtigan uu ilmuhu sida weyn inoogu baahan yahay uu yahay waqti laga gudbayo oo ku kooban marxalad gaar ah. Halka aynnu u madaxbannaannnaan karno shaqadeenna iyo saaxiibadeen ba.

Arrinka ugu muhiimsani waa in aad nefis ku dareemayso ubadkaaga, iyagana aad adreensiiso xasillooni iyo in aad doonayso agjoogistooda. Ereyada aynnu adeegsannaana kaalin wyn ayay ka qaadan karaan arrintaas. Kaalinta ugu weyn se waxa ay noqon kartaa dugsoonka, taabashada, niyadda wanaagsan, iyo ixtiraamka aynnu siinaynno iyaga, tixgelinta dareenkooda, shaqsiyaddooda, ra’yigooda iyo hababka ay u maaraynayaan noloshooda.

Haddii aad is’aragto adiga oo raba saacad kasta iyo maalin kasta in aad ka fogaato carruurtaada, waxa ay tahay in aad samaysaa waa ka-takhalusidda dareenanada xun-xun ee ay kugu kicinayaan si aynnu uga dheeraanno dabinka dareenanadaas waa in aad uga fekertaa dhalaannimadaadi si naxariis iyo debecsanaani ku dheehan tahay.

TABABAR: DIB-U-SOO-CELINTA TIJAABOOYINKII CARRUURNIMO HAB DEBECSAN.

Isweydii habdhaqanka ilmahaaga ee kugu kicinaya dareenanada xoogan ee taban.
Maxaa kugu dhacay markii aad sidiisa oo kale u dhaqantay adiga oo yar?
Tababar fariin ka socota xasuusahaaga:
Isku qabo indhahaaga, soona cesho xasuusahaagii carruurnimo. Waxa ay noqon karaan sawir, dareen ama qiso dhacday. Waa maxay dareenka ay wadato xassutani? Waa maxay saamaynta ay kugu leedahay hadda? Sidee ayay saamayn ugu yeelan kartaa xasuustaai habka aa u tarbiyadaynayso carruurtaada.?
Xasuusnow: mar aad tababarkan waddo, haddii uu ku hareeyo dareen cabsi iyo khajilaad ah, taas oo keenaysa in aad mar kasta ku adkaysato in aad saxan tahay, weliba aad ka saxan tahay ilmaahaga, waa in aad dareentaa qanacsanaan maadaama aad hedhay dareenkaas iyo halka uu ka soo burqanayo, halkii aad dareemi lahayd niyadxumo, isdhaafin lahayd ama ku sii dhegganaan lahayd habdhaqanka uu dareenkaasi ku farayo.

SIDEE AYAYNNU NAFTEENNA ULA HADALNAA?

Tijaabooyinka carruurnimo waa waxa jaangooya sifooyinka aynnu yeelanaynno marka aynnu weynaanno, waa habka ay dadku u koraan, waana wax adag in laga takhaluso.carruuru ma sameeyaan waxa aynnu farno, ee waxa ay ku deydaan ficilada aynnu samaynno. Haddii aad tahay mid mar kasta naftiisa hiifa, waxaa suuragal weyn ah in ay ubadkaagu kaaga daydaan caadadaas xun.
Inta badan habdhaqnanada aynnu soo dhaxalnay iyo qaabnololeedkeenna waxa ka turjumaya qaabka aynnu u la hadalno nafteenna, gaar ahaan marka aynnu gudaha iska canaananayno. Inta badan waxaa maankeena ku soo xaadira hadallo aynnu kula hadlaynno nafteenna, heer aynaan ba u fiirsan waxa aynnu ku hadlaynno saamayntiisa!
Arrintan oo marka dambe keensanaysa in ay ilmahaaga barayso in uu dadka kale iyo naftiisaba ku ganno dhalliilo iyo naqdin qallafsan, codkan hoose ee tabani waxa uu weyneeyaa jewiyada qaldan ee iska fudud, waxa uu gil-gilaa kalsoonida nfteenna, waxa uuna dhaliyaa dareen nusqaan iyo liidasho ah.
Waxaa kale oo jirta sabab cad oo keensanaysa in aynnu ka taxadirno wax aynnu nafteenna kula hadlayno, oo ah in aynnu caadadaas xun oo lagu daray caadooyin muuqda u gudbinaynno ubadkeenna. Haddii aad farxad la rabto ubadkaaga, hadallada xun-xun ee gudahaaga ka guuxayaa waa mid ka mid ah caqabadha hortaagan arrintaas.

La saaxib codkan gudahaaga ka i maanaaya. Ha u arag wax adiga kuu daran, soo dhoweyso, oo la macaamil, sii waqtigiisa si uu u hadlo, muhiim ma ahan in aad ku raacdid waxa uu kuu soo jeedinayo. Waxa aad maanka sii gelisaa waa in uu lid ku yahay codkani hab-fikirkaaga, kadib na samay tallaabooyinkan………..,
Ugu horrayn: aqoonso codkani marka uu hadlayo.
Ha la murmin: u la dhaqan sidii qof dhib badan oo aad isku dhsfinyso hadalkiia in uu ku saxan yahay waxa uu sheegayo. Tusale: in aad u fekertohabkan “ sida aad jeceshahay u feker, waad ku saxan tahay”.
Ku dhiirro in aad samayso waxyaabaha codkan hoose uu ku lee yahayma awoodid , waxa aad helaysaa kalsooni dheeraad ah. Waana wax aad xasuusan karto marka uu shaki kaaga yimaado qabashada wax gaar ah.
Wacyi u lahaw halista ay leedahay in aad u gudbiso caadadaas ubadkaaga, taasi waxa ay ku siinaysaa dhiirigelin dheeraad ah oo aad kula tacaamuli karto.
TABABAR: aqoonso codkan taban ee hoose.
Mar kasta sido buug iyo qalin, kuna qor hadal kasta oo xun oo aad naftaada kula hadasho maalinkii. Ma jiraa qos isaguna kugu dhalliilay hadalladaas hadda ka hor?
Ka feker arrinka aad doonayso in aad xaqiijiso iyo tallaabooyinka ay tahay in aad qaaddid. Imminka u fiirso arrinkaas sida aad naftaada u gala hadlayso. Miyaad naftaada ku leedahay hadal ku kellifi kara in aad faraha ka qaaddo hawshaas?
Codkani cid ma ku sii xasuusinayaa ( waalidkaa ama dad kalee oo sidaas kuu la hadli jiray.?)

SIDEE AYAYNU U MAARAYNNAA KHILAAFYADA?

Isu-dabcinta iyo la-jaanqaadista isbeddelka ayaa ka saamayn badan ku-mashquulidda sid ay ahayd noloshaadu isbeddeka ka hor. Qoysaska badankoodu waa ay is-khilaafaan oo is qabtaa waqtiyada qaar, laakiin arrinka muhimka ahi waa sida loola tacaalo khilaafyadaas, ama aan loola tacaalin, loo xlliyo ama aan loo xallin ba. Wax la aqbali karo ma aha in khilaafyadaasi ay bur-buriyaan xiriirada iyo deegaanka uu ilmuhu ku nool yahay. Xitaa dadka haysta xiriiro fiican iyo qoysas is-fahansan ayaan ka bad-baadin isqabsiga iyo khilaafka. Tani waa xaqiiqo jirta.
Laakiin waxa ay dhowraan ixtiraamka ka dhaxeeya, waxa ayna qirtaan qaladkooda, iyaga oo cabbiraya aragtiyahooda iyo dareennadooda.

Maxaa sees u ah khilaafyadda. Khilaaf kastaa waxa uu lee yahay habraac ah: waxa aad isku haysaan. Waxaana jira qodob kale oo ah sida aad u dareemayso khilaafka iyo sida qofka kale uu dareemayo. Kadibana waxaa xigta sida loo daweynayo ee aad mushkiladda u xallinaysaan. Si aad u xalliso kala-duwanaanshaha, waa in aad garanayso sida uu yahay dareenkaagu iyo sida ugu habboon ee aad u cabbiri lahayd.
Tallaabada 2: waa inaad ogaato waxa uu dareemayo qofka kale, kuna xisaabtantaa dareemadiisaa. Raadinta waxyaabaha la isku hayo iyo xallintooda waxaa looga dan lee yahay in la is-fahmo, waxna la isla meeldhigo, laakiin ma aha in la kala guuleysto.
Marka aad cabbirto waxa aad aragto ama aad dareemayso, waxa aad ka hadlaysaa naftaada, tan ayaa kaga saamayn yar qofka kale in aad eedayso.
TABABAR: SHAANDHAYNTA KHILAAFKA.
Cabbir dareenkaaga, oo ixtiraam dareenka qofka kale.
Ka hadal naftaada, laakiin qofka kale maya.
Aqbal daciifnimadaada. Iyo ugu dambaynta
Ha qiyaasin u-jeeddada qofka kale.

BARO HABKA MAARAYNTA DAREENNADA.

Iska-indhotirka iyo dafiridda dareenka ilmahaagu waxa ay waxyeellaynaysaa caafimaadkiisa maskaxeed ee mutaqbalka. Marka dadka kale dareemaan murugo, gaar ahaan ubadkeennu, waxa aynnu mararka qaar is-moogganaysiinnaa dareennadooda, taasina waxa ay i noo la muuqataa go’aanka ugu saxsan. Waxa aynnu is-moodsiinnaa in lliidista dareennadooda, ismoogganaysiinta, la-talinta, ka-mashquulinta iyo xitaa canaantu ay yihiin xalalka ugu habboon, waayo; ma rabno qofka aynnu jecel nahay in aynnu aragno isaga oo murugaysan. In aynnu soo dhoweynno dareenkooda, murugada iyo carada/ xanaaqu waxa ay ina dareensiinaysaa khatar iyo werwer, heer aynnu u malaynno in aynnu dareennadaas si uun u baajinaynno.
Laakiin dareennadu ma tagaan haddii la cabburiyo, keliya wey dhuuntaan, waxa ayna sababaan mushkilado waaweyn waqtiyo dambe oo qofka noloshiisa ka mid ah.
Is weydii goorma ayaad u baahataa in aad kor u qayliso?
Marka aysan dad kale ku maqlayn, sax! Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in aan dhagaysanno dareennada dadka kale.
Haddii aynnu ilmaha ka dalbanno in uu qariyo dareenkiisa, ama uu ooyo ilaa uu ka seexanayo, ama aynnu iska indhotirno caradiisa oo ka fogaanno, halkii aynnu dejin lahayn ee fahmi lahayn waxa dhibaya, awooddiisa uu ugu adkaysan karo dareennada dhibta badani waxa ay noqonaysaa mid sii daciifaysa maalin ba maalin ka ka damabaysa, ugu dambaynna meesha way ka baxaysaa.

CABBURINTA DAREENKA.

Haddii aad tahay nooca dadka ee cabburiya dareennadooda, waxa aad mar kasta doorbidaysaa in aad qariso dareennadaada xooggan marka ay banaanka u soo baxaan, waxaana aad isku daydaa in aad dejiso naftaadana aad u sheegto in wax kastaa ay hagaagi doonaan, ama waxa aad isku dhiirigelisaa adkaysi iyo in aanad u nuglaanin.
Haddii aad iska indhotirto dareenka ubadkaaga, waxa ay u badan tahay in aanu kula wadaagi doonin mustaqbalka waxa uu dareemayo, si kasta oo uu dareenkiisu muhiim u yahay.

KA-BADBADINTA FALCELINTA.

Dhanka kale waxaa suura-gal ah in aad kaga falceliso dareenka ilmahaaga falcelin xooggan, oo aad la oydaba marka uu ilmaynayo, sida in xanuunka hayaa uu adiga ku hayo. Way fududdahay in qaladkn lagu dhaco, sida dhacda maalmaha ugu horreysa ee aad kaga tagto ilmaahaga qof kale ee aanad weli la qabsan.
Haddii aad u maarayso dareenka ilmahaaga qaabkan, waxaa suura-gal ah in uu marka dambane ka dheeraado soo-bandhigista adreenkiisa. Waxa uu si qaldan u aamini karaa in aad tahay qof daciif ah oo aan adkaysi lahayn.

LA-FALGELIDDA.

Qaabkani waxa weeye: in aad qiran karto dareennadaada oo dhan, isla markaana aad fahmi karto. Haddii aad ku guuleysato in sidan samayso, si fudud yaad u awoodaysaa in aad ilmahaaga dareenkiisana u la dhaqanto qaabkan oo kale.
Dareen kasta waad awoodi kartaa in aad u maarayso si dhab ah adiga oo aan ka badbadinaynin, isla markaana aad luminayn degganaantaada iyo niyad-wanaaggaaga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *